Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi oo dadweynaha ugu baaqday inay kasoo qaybgalaan xuska 1-da Luuliyo
Jimco, June 29, 2012 (HOL) - Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka
codsaday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya inay u diyaar garoobaan
xuska sannad guuradii 52-aad ee kasoo wareegatay markii ay Soomaaliya noqotay
Jamhuuriyad madaxbannaan.
 Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
|
Cali Ameeriko ayaa sheegay in xuska lagu qaban doono
gurigii hore ee safaarada Soomaalida oo ku yaalla Westlands agagaarka Spring Valley.
Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa
sannadkaan wada diyaar garow xoog leh iyadoo sannad waliba qabata dabaal dagyada
lagu xusayo 1-da Luuliyo oo ah maalin ummada Soomaaliyeed ku wayn.
Waxaana safiirku uu sheegay in sannadkaan ay ku
casumeen dabaal dagyada qaar kamid ah fanaaniinta waawayn ee Soomaalida oo ka
imaanaya wadamo ku yaalla waqooyiga Ameerika iyo qaarada Yurub.
Dadweynaha Soomaalida ah eek u dhaqan magaalada
Nairobi ayaa iyaguna laga dareemayaa inay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku diyaar
garoobayaan, sida iibsashada calamada iyo tolashada dhar u ku xardhanyahay midabka buluuga ah ee calanka Soomaaliya ay ka soocantahay qaramada kale.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya