4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2012
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay weerar gaadmo ah ku dishay 23-askari oo ka tirsan ciidamada dalka Kenya

Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaanka Haluqa oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ay ku dileen askar badan oo Kenya ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay la beegsadeen gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamada Kenya, kuwaasoo kusoo socday Soomaaliya, iyagoo xusay inuu dhacay dagaal iska horimaad ah kaasoo aysan wax khasaare ah kasoo gaarin.

"Weerarku wuxuu ka dhacay deegaanka Haluqa oo 20-km u jira xadka Kenya, waxaana halkaas ku dhintay 23-askari oo Kenya ah, sagaal kalena dhaawacyo halis ah ayaa kasoo gaaray weerarka," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-shabaab.

Ciidamadan ayay sheegtay Al-shabaab inay ahaayeen kuwo ku socday deegaanka Kulbiyoow si ay u xoojiyaan ciidamada Kenya ee halkaas ku sugan, iyagoo sheegay in toddoba ka mid ah askarta ku dhintay weerarka lagu dilay qarax miino oo lala helay gaari ay saarnaayeen.

Ma jiro hadal kasoo baxay dalka Kenya oo ku saabsan weerarka ay Al-shabaab sheegatay inay ku dishay ciidamada faraha badan ee Kenyan-ka ah, inkastoo ay sheegtay Al-shabaab in xoogagoodu ay kasoo laabteen halkaas iyagoo bad-qaba.

"Iskahorimaad ayaa dhacay qaraxyada kadib waxaana halkaas lagu dilay 16-askari oo Kenya ah, kuwaasoo weli maydadkooda ay yaalaan halkii lagu dilay," ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxay Al-shabaab.

Dalka Kenya ayaa waxaa kaga sugan Koonfurta Soomaaliya kumannaan Askari oo horraantii bishan si rasmi ah ugu biiray xoogagga AMISOM oo dagaal kula jira kuwa Al-shabaab oo muddo sannado ah isku dayayay inay xukunka ka tuurto DKMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya