Xukuumada KMG Soomaaliya oo guddi farsamo u saartay xulidda ergooyinka ansixiya Dastuurka cusub ee Soomaaliya
Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi ka shaqeeya xulitaanka ergooyinka ansixinaya dastuurka cusub ee Soomaaliya ku magacaabay kulan aan caadi ahayn oo golaha wasiirradu DKMG ah ay ku yeesheen Muqdisho shalay oo Isniin ahayd.
Kulankan oo uu shir guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa waxaa looga hadlay dastuurka iyo ammaanka, iyadoo golaha wasiirradu ay hambalyo ku aaddan dhameystirka qoraalka dastuurka ay u direen guddiga madaxa-bannaan ee qoraalka dastuurka.
"Shirkii ka dhacay Nairobi wuxuu mid taariikhi ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waayo waxaa la isku afgartay nuqulkii ugu dambeeyay ee dastuurka qabyo qoraalka ah," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ugu dambeyn, wuxuu goluhu ansixiyay guddi farsamo oo ka shaqeynaya soo xulidda ergada ansixint adastuurka, kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin:
- Bashiir Warsame Jama
- Inj. C/raxmaan Maxamed Cusmaan
- Xaliimo Ismaaciil Ibraahim
- Maxamed Cali Xayle
- Fowziyo Abiikar Nuur
- Daahir Warsame
- Jaamac Salaad Maxamed
- Saadaq Abshir Garaad
- Faadumo Jaamac Jabriil
- Faysa Maxamed Layli
- Prof. C/llaahi Xasan Xuseen
- Dr Yaasiin Saalax Cali
- Dayib Maxamed Cali
- C/risaaq Axmed Faarax
- Showqi Axmed Xuseen
- Xamad Xaaji Cali Xasan
- Xasan Axmed Ibraahim
- C/waaxid Sheekh Cismaan
- Saalim Macow Xaaji
- Cabdulle Axmed Yuusuf
- Abshir Warsame Jaamac
- Prof. C/llaahi Cismaan Hiirag
- Inj. Saalax Sheekh Cusmaan
- Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeto)
- Qaasim Iidoow Ibraahim
- Sheekh Qaasim Ibraahim
- Xaliimo Cumar Axmed
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya