3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2012
Kulan saraakiil Itoobiyaan ah iyo Maamulka Ahlusunna uga socda Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Wararka ka soo baxaya degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud ayaa sheegaya in  saraaakiil Itoobiyaan ah iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca uu wada hadal uga bilaawday degmada.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in kulanka dhaxmaraya labada dhinac intiisa badan looga hadllayo xaalada nabad-galyo ee gobollka iyo sidii ay dib ugu laaban lahaayeen goobihii ay dhawaan isaga soo baxeen ee ka tirsan gobollka Galguduud.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw kulanka ayaa sheegaya in sababta keentay wada hadallada labada dhinac marka laga soo tago xaaladaha nabad-galyo yihiin kuwo salka ku haya khilaaf soo kala dhaxgalay saraakiisha Ahlu Sunna iyo kuwa Itoobiya oo la xiriira xaaladaha dhaq dhaqaaqyada militari ee ka jira bartamaha dalka Soomaaliya.

Wada hadallada u dhaxeeya Ahlu Sunna iyo saraakiisha Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay qaataan labo cisho ayaa lagu wadaa in ugu danbeytii laga saaro go’aan mid ah oo ay si wada jir ah uga qaataan saraakiisha labada garab xaaladaha militari ee ka jira gobolka Galguduud.

Deegaanno ka tirsan gobollka Galguduud oo ay ka mid tahay degmada Ceel-buur ayaa waxaa isaga baxay kol hore ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Ahlu Sunna Waljameeca ee gacanta ku hayay, waxaana xiligaa la sheegay in uu jiro khilaaf soo kala dhaxgalay labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya












Click here
6/25/2012 2:09 PM EST
Addis Ababa, Itoobiya - Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa galabta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Malez Zenawi.

6/25/2012 9:23 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/ramxaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in xubnaha guddiga qoraalka dastuurka uu waqtigoodu dhamaaday ayna faraha kala baxaan arrimaha dastuurka.

6/25/2012 8:34 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kasoo horjeestay go'aankii odayaasha dhaqanka ee ahaa in tirada xildhibaannada baarlamaanka la kordhiyo lana gaarsiiyo 275-xubnood halka markii hore la qoondeeyay in laga dhigo 225-xubnood.

6/25/2012 8:14 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ku sugna halkaas lagu wado inay la wareegaan ammaanka garoonka diyaaradaha ee Baydhabo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya.

6/25/2012 7:28 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirka gaashaandhigga iyo wasiirka arrimaha dibadda ayaa waxay maanta ka dhoofay Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

6/25/2012 7:07 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Qoysas dhowr ah oo ku dhaqan degmada Badhaadhe iyo deegaanada ku xeeran ayaa ka cabanaya dhibaatooyin nolol xumo oo lasoo darsay, xilli mudooyinkii u danbeeyay ay goobahaasi ka taagnaayeen dagaallo u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya.

6/25/2012 3:27 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Khilaafkan ayaa yimid kaddib markii guddiga madaxa-bannaan ee qoraalka dastuurka uu sheegay in madaxda DKMG ah ay u soo gudbiyeen dastuur kale oo ay sheegeen inay u gudbiyaan odayaasha ku shirsan Muqdisho, taasoo uu guddigu sheegay inay diideen.

6/25/2012 3:05 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 13-qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray saddex qarax oo xalay ka dhacay xaafadda Mishomoroni ee magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

6/25/2012 2:42 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Boqolaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa loo geeyay Muqdisho si ay uga fuliyaan howlo qarsoodi ah, sida uu baahiyay Press TV oo laga leeyahay dalka Iiraan, ayna soo daabacday wakaaladda wararka Mareyanka ee AP.

6/25/2012 2:39 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal shalay gallinkii dambe ku dhexmaray ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo is-garabsanaya iyo xoogagga Al-shabaab.