3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2012
Dagaal khasaare geystay oo Gobolka Bay ku dhexmaray Ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal shalay gallinkii dambe ku dhexmaray ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo is-garabsanaya iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalka oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kurtaale oo u dhexeeya degmada Bardaale ee gobolka iyo deegaanka Yurukud ee gobolka Gedo, waxaana dagaalku uu qarxay markii kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada is-garabsanaya lagu qaaday weerar gaadmo ah.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarka, waxaana saraakiil u hadlay ay sheegeen in weerarkaas ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidamadii dowladda KMG ah iyo kuwii Itoobiya ee isla socday.

"Iskahorimaadku wuxuu ahaa mid culus, dhinacyaduna waxay isku adeegsadeen hub kala duwan, mana jirto khasaare dadka rayidka ah kasoo gaaray dagaalka," ayuu yiri goobjooge ku sugna deegaanka lagu dagaalamay.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ah ee weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay inay ka ambabaxeen magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayna ku socdeen degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Ma jiro hadal ku saabsan dagaalkan oo kasoo baxay dhinaca DKMG ah iyo Itoobiya iyadoo ciidamadii isbahaysanayay ay ku sugan yihiin deegaanadii lagu dagaalamay, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen xoogaggii Al-shabaab ee weerarka qaaday.

Tan iyo billowgii sannadkan ayaa waxay dagaallo noocan oo kale ah ka dhacayeen gobollada Gedo iyo Bay, markaasoo ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ah ay kala wareegeen Al-shabaab degmooyin ay ka mid yihiin Bay iyo Bardaale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
6/25/2012 2:09 PM EST
Addis Ababa, Itoobiya - Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa galabta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Malez Zenawi.

6/25/2012 9:23 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/ramxaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in xubnaha guddiga qoraalka dastuurka uu waqtigoodu dhamaaday ayna faraha kala baxaan arrimaha dastuurka.

6/25/2012 8:34 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kasoo horjeestay go'aankii odayaasha dhaqanka ee ahaa in tirada xildhibaannada baarlamaanka la kordhiyo lana gaarsiiyo 275-xubnood halka markii hore la qoondeeyay in laga dhigo 225-xubnood.

6/25/2012 8:31 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Wararka ka soo baxaya degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud ayaa sheegaya in saraaakiil Itoobiyaan ah iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca uu wada hadal uga bilaawday degmada.

6/25/2012 8:14 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ku sugna halkaas lagu wado inay la wareegaan ammaanka garoonka diyaaradaha ee Baydhabo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya.

6/25/2012 7:28 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirka gaashaandhigga iyo wasiirka arrimaha dibadda ayaa waxay maanta ka dhoofay Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

6/25/2012 7:07 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Qoysas dhowr ah oo ku dhaqan degmada Badhaadhe iyo deegaanada ku xeeran ayaa ka cabanaya dhibaatooyin nolol xumo oo lasoo darsay, xilli mudooyinkii u danbeeyay ay goobahaasi ka taagnaayeen dagaallo u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya.

6/25/2012 3:27 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Khilaafkan ayaa yimid kaddib markii guddiga madaxa-bannaan ee qoraalka dastuurka uu sheegay in madaxda DKMG ah ay u soo gudbiyeen dastuur kale oo ay sheegeen inay u gudbiyaan odayaasha ku shirsan Muqdisho, taasoo uu guddigu sheegay inay diideen.

6/25/2012 3:05 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 13-qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray saddex qarax oo xalay ka dhacay xaafadda Mishomoroni ee magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

6/25/2012 2:42 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Boqolaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa loo geeyay Muqdisho si ay uga fuliyaan howlo qarsoodi ah, sida uu baahiyay Press TV oo laga leeyahay dalka Iiraan, ayna soo daabacday wakaaladda wararka Mareyanka ee AP.