12/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2012
Madaxweynaha Puntland oo maanta hortegey golaha wakiillada


Isniin, July 09, 2012(HOL): Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa maanta hortegey golaha baarlamaanka oo kalfadhigoodii 28aad uu magaalada Garoowe uga socdo.  Madaxweynaha oo mudo labo bilood kudhow dalka dibadiisa safaro shaqo ugu maqnaa, wuxuu golaha uga warbixiyey waxyaabihii safaradaas uga soo qabsoomay iyo weliba halka uu marayo geedi socodka nabadda ee dalka.

Ugu horeyn waxa uu ka hadlay booqasho uu ku tegey dalka India kadib markii uu dowladda dalkaas casumaad rasmi ah ka helay, wuxuuna sheegay in xukuumadda India ay balan qaaday inay Puntland ka caawin doonto kor u qaadista wax soo saarka beeraha.

Intaas kadib wuxuu baarlamaanka uga warbixiyey shirkii Istanbul, isagoo tilmaamay in shirkaasi uu guul kusoo dhamaaday, haseyeeshee ay kasoo qayb galeen dad ka socdey bulshada rayidka ah kuwaas oo dhinaca Puntland aysan cidna ugu jirin, arintaas ayuu madaxweynuhu sheegay in markii danbe xal laga gaarey dowlada Turkiguna ay raali gelin ka bixisay.

Shirkii arimaha Burcad-badeeda looga hadlayey ee dhamaadka bishii lasoo dhaafay ee June lagu qabtay magaalada Dubai oo madaxweynaha Puntland uu ku jirey madaxdii Soomaaliyeed ee lagu casumey ayuu sidoo kale baarlamaanka uga warbixiyey, wuxuuna tilmaamay in shirkaasi uu ahaa mid si weyn kor ugu qaaday magaca dowlad goboleedka Puntland.


"Magaceenii wax weyn buu kor usoo qaaday, madax badan oo aduunka ah baa isugu timid, waxaa kasoo baxay wax dani inooku jirto oo ah in lagu taageero laguna amaano Puntland, gacanta ay ka geysato la dagaalanka Burcad-badeeda".

Mar uu ka hadlayey booqasho uu dhowaan ku tegey gobolka ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey, madaxda gobolkaasna uu kulamo kula soo qaatay wuxuu yiri:

"heshiis horay loo galay inaan xoojinana waan isku afgaranay, nabadgelyada, ganacsiga iyo isdhexgalka intaba inaan ka shaqeyno go'aan ayaan ku gaarney".

Dhinaca kale waxyaabaha uu madaxweynuhu intii ay khudbadiisu socotey uu soo hadal qaaday waxaa kamid ahaa: maqaamka ay yeelanayso caasimadda dalka ee Muqdisho, isagoo xuxsay inay muhiim tahay in caasimadu ay noqoto mid aan lakala lahayn.

"Caasimadu waa inay yeelato wax lagu yaqaan oo Soomaali soo wada jiidan kara, si ilaahey nagu ogyahay baan uga jeednaa in Magaala-madaxdu ay yeelato wax lagu yaqaan oo dadku u siman yahay, oo aan lakala lahayn, qofkii wax kale oo aan jirin ka arkaya isagay jirtaa" Dr. Faroole ayaa yiri.

Xiligii uu madaxweynuhu khudbadiisa dhameeyey kadib ayaa bada warbaahinta lagu amray inay banaanka u baxaan, si aan loo ogaan su'aalaha ay xildhibaanadu madaxweynaha weydiinayaan.

Kalfadhigan oo ah kii 28aad ee ay golaha wakiilada ee Puntland yeeshaan waxaa intii uu socdey gudiga arimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amaanka baarlamaanka u qaabilsani ay ku eedeeyeen xukuumadda hada jirta inay si weyn ugu fashilantay siyaasadda gudaha.


Mohamed Salad
[email protected]













Click here
7/9/2012 5:19 PM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) Kooxda kubadda cagta ee SOMALI UNITED ayaa markii sedexaad ku guuleysatay koobkii SOMALI WEEK oo sannad kasta lagu qabto magaalada Toronto ee dalka kanada ka dib markii ay 2 iyo 1 kaga guuleystay kooxda HILAAC.

7/9/2012 11:27 AM EST
General Cusmaan Faalko ayaa magaalada London kaga dhawaaqay in uu musharax u yahay tartanka doorashada madaxweyninimada dalka Soomaaliya

7/9/2012 9:11 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Ciidammo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal oo fara badan ayaa la sheegay inay maanta u dhaqaaqeen dhinaca degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

7/9/2012 9:03 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul waasaraha dowladda KMG Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay in shirkii kooxda ICG ee lagu qabtay dalka Talyaaniga looga hadlay sidii lagu taageeri lahaa DKMG ah gargaarka bani'aadamnimana loo gaarsiin lahaa goobaha laga saaray Al-shabaab.

7/9/2012 8:36 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Jaamacadda Camuud ayaa sheegtay inay sanad Jaamacadeedkan bilaabi doonto waxbarashadda sare ee Master Degree iyo PHD, iyadoo soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu horumarinayo jaamacadda.

7/9/2012 8:30 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha bankiga horumarinta ganacsiga Soomaaliya, Prof. C/llaahi Axmed Afrax.

7/9/2012 8:11 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay sida lagu xoojin karo ammaanka degmada Afgooye ayaa lagu qabtay degmadaas, gaar ahaan beerta Sheekh Zayed, kaasoo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD ayna ka qayb-galeen madax ka tirsan DKMG Soomaaliya, maamullada gobollada Banaadir iyo Shabeellada hoose, waxgaradka, culummo iyo shacabka degmada Afgooye.

7/9/2012 7:50 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Xisbiga Hiil-Qaran oo ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah mas'uuliyiinta xisbigaas uu yahay murashaxa uga qayb-galaya doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa bisha Ogoosto ee sannadkan.

7/9/2012 7:49 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Macalin Yuusuf ‘’Garabey’’ oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa uga mahad celiyay hay’addaha ICRC iyo Save The Childaren gargaarka ay siinayaan dadka ku dhibaateysan magaalada Baladweyne iyo deegaannada hoos taga.

7/9/2012 1:30 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in lawado qorshe la doonayo in dastuurka cusub uu noqdo mid u siman diimaha masiixiga iyo Islaamka iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka hortagaan qorshahaas.