9/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2012
Xisbiga Hiil-Qaran oo madaxweynenimada Soomaaliya u soo sharraxay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar (SAWIRRO)

Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Xisbiga Hiil-Qaran oo ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah mas'uuliyiinta xisbigaas uu yahay murashaxa uga qayb-galaya doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa bisha Ogoosto ee sannadkan.

Prof. Samatar oo munaasabaddii murashaxnimadiisa ka hadlay ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii dalka horumar uu ku gaarsiin lahaa haddii xilka madaxweynenimo loo doorto, isagoo sheegay in sababta uu Soomaaliya u yimidna ay tahay inuu uga faa'iideeyo aqoontiisa dadka iyo dadka Soomaaliyeed.

"Anigu lacag ma soo doonan ee waxaan halkan u imid sidii aan inta cimrigeyga ka dhiman uga faa'iideeyo aqoontayda iyo kartideyda shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiir Prof. Samatar oo soo dhaweeyay horumarrada dhinaca nabadda ah ee ay ku tallaabsatay Muqdisho sannadkii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, Prof. Samatar wuxuu sheegay inuu kobicin doonno haddii uu xafiiska ku guuleysto sidii uu u hormarin lahaa, aqoonta, caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaalaha dalka.


Murashax Prof. Samatar wuxuu ballanqaaday in maalinta uu xafiiska ku fariisto uu ka shaqeyn doono sidii uu dib ugu mideyn lahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo sheegay in wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Soomaaliland u soo dhaweynayo.

"Madaxnimada waxaa saldhig u ah sida aan qabo saddex qodob oo kala ah: inuu ku yimid mas'uulku doorasho xalaal, inuu karti u leeyahay howsha dusha laga saarayo iyo inuu cadaalad wax ku maamulo," ayuu yiri Samatar oo sheegay inuu intaba ku dhaqmi doono.

Guddoomiyaha xisbiga Hiil-Qaran, Prof. Ibraahim Macallin Mursal oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Prof. Samatar uusan isagu dooran inuu u tartamo xilka madaxnenimo ee Soomaaliya, balse ay u doorteen xubnaha xisbiga.

"Xisbiga Hiil-Qaran wuxuu u magacaabay Prof. Samatar inuu uga qaybgalo tartanka doorasho ee dalka ka dhacaya," ayuu yiri Prof. Mursal oo hadalkiisa raaciyay in qorshaha xisbigooda uu yahay inuu dalka ka badbaadiyo dhibaatada muddada dheer soo jirtay.

Sidoo kale, Xamdi Cabdulle oo ka mid ah mas'uuliyiinta xisbiga oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa sheegtay in Prof. Samatar ay aad u taqaanno uuna yahay mas'uul hoggaamin kara dalka.


Ugu dambeyn, dadweynihii munaasabadda kasoo qaybgalay ayaa waxaa la yaab ku noqotay hadal uu sheegay Prof. Axmed I. Samatar oo ahaa inuu ku shaqeyn doono haddii uu madaxweyne noqdo ha dollar oo keliya, heshiiska mushaarkiisana uu ku hor saxiixi doono shacabka hortiisa.

Madasha lagu soo bandhigay murashaxnimada Prof. Axmed Samatar ayaa waxaa laga qaybiyay warqado ka hadlayay taariikhdiisa nololeed iyo middii waxbarasho, iyadoo dadku ay aad ula yaabeen jaamacadaha uu waxbartay iyo kuwa baraha ka noqday.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/9/2012 5:19 PM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) Kooxda kubadda cagta ee SOMALI UNITED ayaa markii sedexaad ku guuleysatay koobkii SOMALI WEEK oo sannad kasta lagu qabto magaalada Toronto ee dalka kanada ka dib markii ay 2 iyo 1 kaga guuleystay kooxda HILAAC.

7/9/2012 3:32 PM EST
Isniin, July 09, 2012(HOL): Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa maanta hortegey golaha baarlamaanka oo kalfadhigoodii 28aad uu magaalada Garoowe uga socdo. Madaxweynaha oo mudo labo bilood kudhow dalka dibadiisa safaro shaqo ugu maqnaa, wuxuu golaha uga warbixiyey waxyaabihii safaradaas uga soo qabsoomay iyo weliba halka uu marayo geedi socodka nabadda ee dalka.

7/9/2012 11:27 AM EST
General Cusmaan Faalko ayaa magaalada London kaga dhawaaqay in uu musharax u yahay tartanka doorashada madaxweyninimada dalka Soomaaliya

7/9/2012 9:11 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Ciidammo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal oo fara badan ayaa la sheegay inay maanta u dhaqaaqeen dhinaca degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

7/9/2012 9:03 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul waasaraha dowladda KMG Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay in shirkii kooxda ICG ee lagu qabtay dalka Talyaaniga looga hadlay sidii lagu taageeri lahaa DKMG ah gargaarka bani'aadamnimana loo gaarsiin lahaa goobaha laga saaray Al-shabaab.

7/9/2012 8:36 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Jaamacadda Camuud ayaa sheegtay inay sanad Jaamacadeedkan bilaabi doonto waxbarashadda sare ee Master Degree iyo PHD, iyadoo soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu horumarinayo jaamacadda.

7/9/2012 8:30 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha bankiga horumarinta ganacsiga Soomaaliya, Prof. C/llaahi Axmed Afrax.

7/9/2012 8:11 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay sida lagu xoojin karo ammaanka degmada Afgooye ayaa lagu qabtay degmadaas, gaar ahaan beerta Sheekh Zayed, kaasoo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD ayna ka qayb-galeen madax ka tirsan DKMG Soomaaliya, maamullada gobollada Banaadir iyo Shabeellada hoose, waxgaradka, culummo iyo shacabka degmada Afgooye.

7/9/2012 7:49 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Macalin Yuusuf ‘’Garabey’’ oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa uga mahad celiyay hay’addaha ICRC iyo Save The Childaren gargaarka ay siinayaan dadka ku dhibaateysan magaalada Baladweyne iyo deegaannada hoos taga.

7/9/2012 1:30 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in lawado qorshe la doonayo in dastuurka cusub uu noqdo mid u siman diimaha masiixiga iyo Islaamka iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka hortagaan qorshahaas.