3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo Danjire Augustine Mahiga oo Maanta kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho ku shirsan
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Phillip Mahiga ayaa maanta kula kulmay Muqdisho odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Kulanka oo ahaa mid loo diiday inay saxaafadu goob-joog ka ahaato ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socda Qaramada Midoobay iyo wasiirada DKMG ah qaarkood, iyadoo ra'iisul wasaaraha iyo Mahiga ay hadalo u jeediyeen odayaasha dhaqanka.

"Odayaasha dhaqanka waxay udub dhexaad u yihiin horumarka uu dalku higsanayo; kagana gudbayo xilligii KMG ah, waxaana diyaar u nahay inaan odayaasha ka caawinayo wax walba oo fududeyn kara howshooda," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo saxaafada uga warbixinayay khudbadii uu odayaasha u jeediyay.

Inkastoo aan si dhab loo ogeyn waxyaabaha rasmiga ah ee ra'iisul wasaaraha iyo ergayga Qaramada Midoobay ay kala hadleen odayaasha ayaa hadana hadalkii ay siiyeen saxaafada waxay ku sheegeen in odayaasha ay ku amaanan yihiin howsha ay hayaan.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu odayaasha ka dalbaday inay xiliga loogu talogalay kusoo gudbiyaan magacyada ergada ansixinaysa dastuurka cusub ee Soomaaliya, si howshaas looga gudbo.

"Qaramada Midoobay waxay tixgelin doonaa rabitaankooda odayaasha dhaqanka," ayuu danjire Mahiga ku sheegay khudbadii uu u jeediyay odayaasha dhaqanka ee ay maanta la kulmeen, isagoo odayaasha ku wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo gudbiyaan ergada ansixinaysa dastuurka soona xulaysa xubnaha baarlamaanka cusub.

Kulanka Mahiga iyo Gaas ay la yeesheen Odayaasha dhaqanka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Madaxweynaha Somalia uu shalay Odayaasha dhaqanka kula kulmay Xarunta Madaxtooyada isagoo ka dalbaday inay soo dedejiyaan xulitaanka Ergada Ansixinta Dastuurka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/10/2012 5:14 PM EST
Talaado, July 10, 2012(HOL): Dab khasaare maaliyadeed geystey ayaa goor hore oo saaka ah ka kacay mid kamid ah xeryaha ay dadka soo barakacay ku dhaqan yihiin ee ku yaal bariga magaalada Boosaaso. Dabka oo ay demintiisu mudo saacado ah qaadatay wuxuu ciida ku daray in ka badan 200 oo guri, kuwaas oo dhamaantood ahaa kuwo cooshado ka samaysan.

7/10/2012 8:46 AM EST
Talaado, July 10, 2012(HOL): Magaalada Garoowe waxaa maanta soo gaarey wefdi uu horkacayo xiriiriyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan gargaarka bini aadminimada ee Soomaaliya Mark Bowden.

7/10/2012 8:44 AM EST
Talaaddo, July 10, 2012 (HOL)- Dhallinyaro Aqoonyahano ah oo ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa ayaa dawladda hoose ku eedeeyey in meelihii danta guud ahaa bililiqaysanayaan, iyagoo ka faa’iidaysanaya wakhtigan kala guurka ah ee golaha deegaankii hore wakhtiga ka dhamaatay mid kalana la sugayo inuu bedelo.

7/10/2012 8:42 AM EST
Talaado, July, 10 2012 (HOL)- Markab weyn oo nooca xoolaha qaadda ah oo magaciisa la yidhaa M/V-Al-iimaan ayaa xalay fiidkii dab ku qabsaday dekadda Berbera, haseyeeshee markiiba waxa lagu guuleystay in la bakhtiiyo.

7/10/2012 7:35 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta lagu weeraray hoobiyeyaal kuwaasoo ku dhacay suuqa xoolaha Baydhabo, iyadoo sidoo kalena laga dareemayo degmada dhaqdhaqaaqyo ciidan.

7/10/2012 7:14 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Guddoomiyahha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka dalbaday shacabka ku nool magaalada Muqdisho inay gacan ka geystaan qabsoomidda shirka lagu ansixinayo dastuurka oo maalmahan ka furmaya Muqdisho.

7/10/2012 4:32 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa u digay cid walba oo isku dayda inay carqaladayso hanaanka geedi-socodka ah ee looga baxayo xilliga kala guurka ah.

7/10/2012 4:16 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho inay faraha kala baxaan ansixinta dastuurka oo lagu wado in maalmaha soo socda uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

7/10/2012 4:11 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Cutubyo katirsan ciidamada Militariga Kenya ayaa dhowrkii habeen ee ugu danbeeyay waxa ay howlgallo ballaaran ka bilaabeen xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Eastleigh, iyadoona howlgalladaasi ay ciidamadu ku qabqabteen dad badan oo sharci la'aan ah.

7/10/2012 3:49 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska murashaxa madaxweynenimo ee Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyoow) ayaa looga digay inaan la carqaladeyn geeddi-socodka xilliga kala-guurka ah ee socda.

7/10/2012 3:21 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, xilli uu ku socday gurigiisa, waxaana kooxaha dilka geystay u suurogashay inay ka baxsadaan halkaas.

7/10/2012 3:04 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Sooamaliya, Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan Dheg-badan) oo ka hadlay falalka dilka ah ee ka dhaca degmooyinka Muqdisho qaarkood ayaa sheegay in qofkii dil geysta ama tuute ha wato ama yuusan wadane lagu dili doono halkii uu dilka ku geystay.