3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2012
Militariga Kenya oo Howlgallo Xiliyada Habeenkii ah ka Bilaabay Xaafadda (Estleigh) Islii ee Magaalada Nairobi
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Cutubyo katirsan ciidamada Militariga Kenya ayaa dhowrkii habeen ee ugu danbeeyay waxa ay howlgallo ballaaran ka bilaabeen xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Eastleigh, iyadoona howlgalladaasi ay ciidamadu ku qabqabteen dad badan oo sharci la'aan ah.

Ciidamadan oo aad u fara badan islamarkaasina sita gaadiid loogu talo galay in dadka lagu daabulo ayaa waxa ay sedexdii habeen ee ugu danbeeyay howlgallo ka wadeen xaafadda Eastliegh, iyadoona howlgalladaasi ay ciidamadu ku qabqabteen dad fara badan oo si sharci darro ah ku joogay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ciidamadan katirsan Militariga Kenya ayaa xiliyada habeenkii ah lagu arkayaa wadooyinka dhexmara xaafadda, waxa ayna dadka isticmaalaya wadooyinkaasi weydinayaan sharci, sidoo kalena waxa ay ciidamadu galeen qaar katirsan Hotellada iyo guryaha ku yaal xaafadda Islii.

"Xalay askartu waxay gashay guryo ku yaal wadada 9-ka, waxayna kala baxeen dad badan oo sharci la'aan ahaa," sidaa waxa yiri C/qaadir Max'ed Aadan oo kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda Eastleigh.

Ciidamadan oo ah kuwa Militariga ayaa sedexdii habeen ee ugu danbeeysay waxa ay siweyn uga howlgalayeen xaafadda Easteigh, ilaa imikana ma jiraan masuuliyiin katirsan dowladda Kenya oo faahfaahin ka bixiyay howlgallada ay ciidamadu ka bilaabeen xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli sirdoonka dalka Kenya uu dhawaan shaaca ka qaaday in gudaha dalka Kenya ay ku dhuumaaleysanaya lix qof oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab islamarkaasina ay qorsheynayaan in dalka Kenya ay ka qarxiyaan dagaal Diimeed u dhexeeya Muslimiinta iyo Kirishtaanka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya












Click here
7/10/2012 5:14 PM EST
Talaado, July 10, 2012(HOL): Dab khasaare maaliyadeed geystey ayaa goor hore oo saaka ah ka kacay mid kamid ah xeryaha ay dadka soo barakacay ku dhaqan yihiin ee ku yaal bariga magaalada Boosaaso. Dabka oo ay demintiisu mudo saacado ah qaadatay wuxuu ciida ku daray in ka badan 200 oo guri, kuwaas oo dhamaantood ahaa kuwo cooshado ka samaysan.

7/10/2012 8:46 AM EST
Talaado, July 10, 2012(HOL): Magaalada Garoowe waxaa maanta soo gaarey wefdi uu horkacayo xiriiriyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan gargaarka bini aadminimada ee Soomaaliya Mark Bowden.

7/10/2012 8:44 AM EST
Talaaddo, July 10, 2012 (HOL)- Dhallinyaro Aqoonyahano ah oo ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa ayaa dawladda hoose ku eedeeyey in meelihii danta guud ahaa bililiqaysanayaan, iyagoo ka faa’iidaysanaya wakhtigan kala guurka ah ee golaha deegaankii hore wakhtiga ka dhamaatay mid kalana la sugayo inuu bedelo.

7/10/2012 8:44 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Phillip Mahiga ayaa maanta kula kulmay Muqdisho odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

7/10/2012 8:42 AM EST
Talaado, July, 10 2012 (HOL)- Markab weyn oo nooca xoolaha qaadda ah oo magaciisa la yidhaa M/V-Al-iimaan ayaa xalay fiidkii dab ku qabsaday dekadda Berbera, haseyeeshee markiiba waxa lagu guuleystay in la bakhtiiyo.

7/10/2012 7:35 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta lagu weeraray hoobiyeyaal kuwaasoo ku dhacay suuqa xoolaha Baydhabo, iyadoo sidoo kalena laga dareemayo degmada dhaqdhaqaaqyo ciidan.

7/10/2012 7:14 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Guddoomiyahha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka dalbaday shacabka ku nool magaalada Muqdisho inay gacan ka geystaan qabsoomidda shirka lagu ansixinayo dastuurka oo maalmahan ka furmaya Muqdisho.

7/10/2012 4:32 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa u digay cid walba oo isku dayda inay carqaladayso hanaanka geedi-socodka ah ee looga baxayo xilliga kala guurka ah.

7/10/2012 4:16 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho inay faraha kala baxaan ansixinta dastuurka oo lagu wado in maalmaha soo socda uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

7/10/2012 3:49 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska murashaxa madaxweynenimo ee Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyoow) ayaa looga digay inaan la carqaladeyn geeddi-socodka xilliga kala-guurka ah ee socda.

7/10/2012 3:21 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, xilli uu ku socday gurigiisa, waxaana kooxaha dilka geystay u suurogashay inay ka baxsadaan halkaas.

7/10/2012 3:04 AM EST
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Sooamaliya, Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan Dheg-badan) oo ka hadlay falalka dilka ah ee ka dhaca degmooyinka Muqdisho qaarkood ayaa sheegay in qofkii dil geysta ama tuute ha wato ama yuusan wadane lagu dili doono halkii uu dilka ku geystay.