3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2012
Dadweyne Taageersan Xidhibaanno la sheegay inay ku hareen doorashooyinka oo Mudaharaad ka dhigay Hargeysa
Axad, December 16, 2012 (HOL) — Mudaharaad balaadhan, ayaa ilaa maanta ka socday xaafaddo ka tirsan magaaladda Hargeysa, gaar ahaan waqooyiga magaaladda, kuwaas oo diidan kala bedel lagu sameeyey xildhibaanaddii soo baxay ee golaha deegaanka, kuwaas oo xildhibaankii ay taageerayeen oo soo baxay lagu bedelay xidhibaanno kale oo marki hore la sheegay inay hadheen.

Dadweynahan  mudaharaadayey ayaa gubayey taayiro, wadadana ku xidhayey dhagxaan, iyago kala xidhay wadooyinka qaar, waxaana goobaha mudaharaadku ka socday ka mid ah waddad Togdheer ee  badhtamaha magaaladda, xaafadaha xisbiga loo yaqaan iyo xaafadda boqol iyo kontonka, kuwaas ku dhawaaqayey in aanay ogolayn in xildhibaankoodii markii hore la sheegay inuu guulaystay in markale la reebo, isla markaana lagu bedelo xildhibaano markii hore la shaaciyey inuu hadhay.

Ciidanka Amaanka ayaa kala eryayey dadka, iyagoo rasaas aad u badan kor ugu ridayey, haseyeeshee marka uu ciidanku ka dhaqaaqo ayey dib iskugu soo urursanayeen oo ay u bilaabayeen inay wadooyinka xidhaan oo ay taayiro gubaan.

Ilaa hadda wax dhibaato ah lama sheegin, haseyeeshee, ilaa saddex wariye ayaa lagu xidhay mudaharaadkaasi ka dib markii ay isku dayeen inay wax ka duubtaan.

Si kastaba ha ahaatee, mudaharaadkan oo ilaa imika ka socda xaafaddo ka tirsan magaaladda Hargeysa ayaa ka dhashay ka dib markii Komishanka Doorashooyinka Qaranka ay mar labaad si rasmi ah u baahiyay natiijada doorashadii golaha deegaanka ee degmada Hargeysa, iyagoo isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanaddii ay hore u sheegeen inay u soo baxeen golaha deegaanka Hargeysa, kuwaas oo laba hore usoo baxay la sheegay inay hadheen, halka labaddii musharax ee ka hooseeyeyna ay kor u soo baxeen, isla markaana xildhibaano rasmi ah ay noqdeen.

Komishanka doorashada, ayaa hore u sheegay inay maxkamadda gobalka Hargeysa u gudbiyeen natiijadii doorashada ee degmada Hargeysa, iyagoo sheegay inay hufid ku sameeyeen xogta goobaha cod bixineed ee degmada Faraweyne oo ay khalad ay ka heleen dib u saxeen. Laakiin maxkamadda ayaa dib ugu soo celisay komishanka si ay ugu dhawaaqaan wixii khalad ah ee ku jira, taasina waxay keentay in komishanku xalay sheego in isbedel ku yimid xildhibaanadii iyo dhibcihi ay kala heleen, waxaana dib u eegistaasi keentay in laba xildhibaan oo hore loo shaaciyey inay doorashada helaan ay dib u waayaan, isla markaana ay booskoodii soo galaan laba  musharax ee ku kala xigay labadan xildhibaan, Tusaale ahaan ururka Dalsan waxa ay hore guddiga doorashadu ugu dhawaaqeen inay golaha deegaanka Hargeysa u galeen Cabdcasiis Aadan Habane iyo Fu’aad Saxardiid Caabi, laakiin waxay maxkamadda u gudbiyeen inay golaha deegaanka u galeen Cabdicasiis Aadan Habane iyo Ilyaas Aw Xuseen Jaamac, waxaana meesha ka baxay Fu’aad Saxardiid Caabi, halka ururka Rays oo ay hore u sheegeen inuu golaha deegaanka u galay Khadar Xuseen Cali, ay hadda maxkamadda u gudbiyeen inuu golaha deegaanka Hargeysa galayo Ismaaciil Jaamac Xirsi Cabdi.

Haseyeeshee, labadii xildhibaan ee hore loo sheegay inay heleen ayaan ku qancin isbedelka ku yimid, waxaanay taasi keentay in mudaharaad baladhan ka dhigaan goobo kala duwan oo ay kaga cabanayaan natiijadan dambe ee gudida doorashooyinka ku dhawaaqeen.

Sidoo kale, waxay codad badan ku waayey xisbiyadda kale, iyadoo xisbi walbna dhibco laga jaray, inkastoo aanay saamayn ku yeelan xildhibanadii u soo baxay, waxaana xisbiga KULMIYE dib u tirintaasi dambe ku waayey codad badan oo markii hore u qornaa, haseyeeshee waxba kama bedelin xildhibaanaddii usoo baxay, halka laba urur oo kaliya ay sababtay dib u eegistaasi inay xildhibaano ku waayaan, kuwii ka hooseeyeyna ka dhibco sareeyaan  kuwii hore usoo baxay.

Si kastaba ha ahaatee, waxay komishanku xalayba u gudbiyey natiijadan cusub maxkamadda gobolka Hargeysa, iyadoo maxkamadduna dib u eegis ku samayn doonto, isla markaana ama meel marin Doonto ama dib u soo celin doonto.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
12/16/2012 10:55 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti balaadhan oo uu Hoggaminayay, ayaa galabta u kicitimay dalka Jabuuti si uu uga qeyb gallo shirka madaxeedka horumarinta Af-soomaaliga ee PEN oo lagu soo casuumay Madaxweynaha Somaliland.

12/16/2012 7:10 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay qorshe howleedka ay labada sano ee soo socota ku shaqeyn doonaan, iyadoo saddex mudane oo ka mid ah kuwii kulankaas soo xaadiray ay diideen qorshaha.

12/16/2012 6:49 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL) —Xaflad xarig looga jaray shirkad lagu magacaabo Fruitsome oo soo saari doonta islamarkaana dhoofin doonta Muuska ayaa maanta ka dhacday Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho.

12/16/2012 6:35 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa laba qof oo qoxooti ah xalay siyaabo kala duwan ugu dilay xerada IFO oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay sheegeen inay baxsadeen kooxihii dilalkan geystay.

12/16/2012 5:47 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheynaya inuu safarkiisa labaad ku tago dalka Jabuuti maanta oo Axad ah, halkaasoo uu uga qaybgeli doono bandhigga buug afka Soomaaliga ah oo ka dhacaya magaalada Jabuuti.

12/16/2012 1:53 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday dadka aan sharciga lahayn ee magangalyo doonka ah iyo kuwa qoxootiga ah inay ku laabtaan xeryaha Qoxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakumo, iyadoo sheegtay in qorshahan uu ka mid lagu adkeynayo ammaanka Kenya.

12/16/2012 1:24 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL) —Bambaanooyin kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa xalay lagu weeraray saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo halkaas oo fariisin u ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni.

12/16/2012 1:09 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bay iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya ayaa fariisimo ka sameystay gudaha iyo daafaha degmada Ufuroow, iyadoo cabsi weynna ay ka jirto degmada Diinsoor oo 17-km u jirta Ufuroow.