10/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2012
Kooxo hubeysan oo xalay nin ganacsade ah ku dilay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose

Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Kooxo Baastoolado ku hubeysan oo aan la aqoon ayaa xalay toogasho ku dilay ganacsade caan ah oo siweyn looga yaqaannay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Ganacsadahan oo lagu magacaabi Jiray Ibraahim Bood-boode ayay kooxahani ku dileen xaafadda Calanleey gaar ahaan isgoyska Somali-star, waxayna durba isaga baxsadeen goobta.

Col Ismaaciil Koofi oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Jubada Hoose oo qadka teleefonka ugu waramay shabakadda HOL ayaa inoo xaqiijiyay dilka ganacsadahaasi, wuxuuna sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aadan arintaasi.

“Nin ganacsade ah ayaa xalay la dilay, ilaa hadda lama garanayo cidda dishay laakiin waxaa socdo baaritaanno, waxaana ku rajo weynahay in gacanta lagu soo dhigi doono dadka ka danbeeya dilkaasi,” ayuu yiri masuulkani.

Mar aaan weydinnay cidda lagu tuhmayo dilka iyo weliba hadii ay jiraan dad loo qabtay arintaasi, ayuu yiri ”Kama hordhici karno waxaana ka dhursugeynaa baaritaannada socdo, ilaa imikana ma jiraan cid loo qabtay balse weli dadaal ayaan wadnaa.”

Dilka ganacsadahani ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay ay aad u wanaagsanayd xaaladda ammaan ee magaalada Kismaayo oo ay ka arimiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/15/2012 1:32 PM EST
Sabti, December 15, 2012 (HOL)- Labo kamid ah shaqaalaha markabka MV Iceberg-1 oo lagu haysto xeebaha degmada Garacad ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in ay geeriyoodeen, islamarkaana ay sadex kale dhaawacmeen, kaddib markii ay israsaaseeyeen kooxda burcad-badeeda ah ee markabka haysata iyo ciidamada badda Puntland oo iyagu maalmihii u danbeeyey markabka ku hareereysnaa, dhowr mar oo ay isku dayeen inay soo furtaanna ay u suurta geli weyday.

12/15/2012 8:15 AM EST
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda hay’addaha samafalka QM ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo ay kulamo kula qaateen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha AMISOM.

12/15/2012 7:46 AM EST
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa murashaxiintii u tartamay xilka madaxnimo ee Soomaaliya, haatanna ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya uu u billowday xilli cusub oo ay kaga baxayso fowdada.

12/15/2012 7:03 AM EST
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 15 guddi-hoosaad ee baarlamaanka kuwaasoo howshoodu noqon doonto la xisaabtanka hay'adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay ka kooban tahay.

12/15/2012 6:39 AM EST
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Iskahorimaad ay saraakiisha dowladda ee ku sugan gobolka Gedo guulo ka sheegteen ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Garbahaare ee xarunta gobolka Gedo, iyadoo halkaas uu booqasho ku joogo wasiirka gaashaandhigga Soomaaiya iyo saraakiil uu hoggaaminayo.

12/15/2012 6:18 AM EST
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada gacanta siinaya ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo shalay ka dhacday waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

12/15/2012 5:58 AM EST
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Dadweynaha dalka Masar ayaa saakay oo Sabti ah billaabay inay u codeeyaan dastuurka cusub ee uu dalkaas yeelanayo, iyadoo ay muuqato kala qaybsanaa dhinaca siyaasadda ah oo weli taagan.

12/15/2012 4:18 AM EST
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Gabahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay

12/15/2012 2:47 AM EST
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday inay joojinayso diiwaan-gelinta qoxootiga Soomaalida, iyadoo sidoo kale sheegtay inay dib ugu celinayso Soomaaliya qoxootiga fara badan ee dalkeeda ku nool.

12/15/2012 2:28 AM EST
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Nin hubeysan ayaa ku toogtay 26-qof oo ay ku jireen 20 cunug oo arday ahaa iyo lix macallimiintii iskuulka ahaa kaddib markii uu weerar ku qaaday iskuulka hoose ee Sandy Hook oo ku yaalla magaalada Newtown ee gobolka Connecticut Jimcihii shalay.

12/15/2012 1:51 AM EST
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bay oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ayaa si nabadgalyo ah kula wareegay degmada Ufuroow, taasoo noqonaysa degmadii afaraad oo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

12/15/2012 1:49 AM EST
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Gudoomiyaha maxkamada Gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Geeddi Barre ayaa si rasmiya xilkii xildhibaanimo ugu dhaariyay 20 xildhibaan ee cusub ee degmada Boorama ee caasimada Gobolka Awdal, waxaana ka maqnaa hal xildhibaan oo hawl magaalada kaga maqan.

12/15/2012 1:44 AM EST
Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Shirkii 7aad ee waddamada ku bahoobay badbaadada deegaanka Badda, maamulidda iyo horumarinta badda iyo degaanka xeebaha ee Galbeedka Badweynta Hindia ama loo yaqaano Nairobi convention for the protection, Management and development of the marine and coastal environment of the Western Indian Ocean, ayaa 14 December 2012 ku soo gabagaboobay Magaalada Moputa ee dalka Mozambique.