4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2012
Shirkii dalalka Galbeedka Badweynta Hindiya ee ka dhacay dalka Mozambique iyo Soomaaiya oo ka qaybgashay


Wasiirka Khayraadka ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaak Maxamed Cumar


Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Shirkii 7aad ee waddamada ku bahoobay badbaadada deegaanka Badda, maamulidda iyo horumarinta badda iyo degaanka xeebaha ee Galbeedka Badweynta Hindia ama loo yaqaano Nairobi convention for the protection, Management and development of the marine and coastal environment of the Western Indian Ocean, ayaa 14 December 2012 ku soo gabagaboobay Magaalada Moputa ee dalka Mozambique.

Dowladda Somalia oo ka mid ah waddamada tobanka ah ee xubnaha ka ah ayadoo waliba ka mid ahayd waddamadii aasaasay ururkan sanadkii 1985 ayaa waxaa shirkaa uga qayb galay Soomaaliya Wasiirka Khayraadka Dalka Mudane Abdirizak Omar Mohamed. Waxaa ugu dambaysay wasiir soomaliyeed oo ka qaybgalo shirkan noocan ah 1989, haddaba wasiirada tobanka waddan oo ansixiyay go'aamadii ka soo baxay shirkaas ayaa waxaa ka mid ahaa qodobada la go'aamiyay qodob muhiim ah oo ah in la horumariyo badda iyo deegaanka xeebaha soomaaliya iyadoo laga hirgalinayo Mashaariic loogu talagalay horumarinta Badda iyo xeebaha soomaliyeed.

Waxaa kaloo ka mid ahaa goaanadii la ansaxiyay sagaal iyo toban qodob kale oo dhamaantood wax ku ool u ah waddanka soomaliya oo aay ka mid yahiin in shuruuc ilaalisa degaanka laga soo saaro marka aay shirkadaha batroolka aay gaas iyo batrool ka soo saarayaan badda gudaheeda "off-shore drilling and exploration" iyo ka hortagga ka ganacsiga libaax badeedka oo ku sii yaraanayo galbeedka Badweynta Hindia Gaar ahaan Badda Soomaliya.

Waxaa kaloo shirkan ka qaybgalay ha'yado hoos yimaada UNka oo aay ka mid yahiin UNEP, WWF, Birdlife International, World Bank.

Xafiiska Hiiraan Online
Mogadishu, Soomaaliya