Filimada Soomaalida ee casriga ah ee qurbaha lagu jilayo oo sii kordhaya
Khamiis, August 09, 2012 (HOL) - Soomaalida ayaa sannadihii hore ay ku
yaraayeen jilitaanka filimada casriga ah, iyadoo la samayn jiray riwaayado lagu
soo bandhigo masraxa oo kaliya.
Markii ay Soomaaliya dagaallada sokeeye ka
dhaceen ayaa Soomaali badan ay u qaxeen dhanka wadamada reer Galbeedka, iyagoo
bilaabay samaynta aflaam casri ah oo ka turjumaya waaqica dadka Soomaaliyeed ee
qurbaha ku nool, kuwaasoo intooda badan ay alifeen dhalinyaro iskood isu xilqaamay
oo doonaya inay ku cabiraan filimadan is faham la,aanta qoysaska iyo iska-horimaadka
dhaqamada Soomaalida iyo kuwa dadka martida loo yahay ee wadamadaas ku nool.
Nabiil Nur oo kamid saxafiyiinta Soomaalida
ayaa kamid dhalinyarada u weecday inay allifaan filimada cusub oo loo jilayo
qaabka aflaamta casriga ah ee horay looga bartay Hollywoodka Maraykanka iyo
Bollywoodka Hindiya.
Isagoo dhawaanahanba ku sugnaa magaalada
Nairobi ayuu soo booqday xafiiska Hiiraan Online, wuxuuna ka warbxiyay fikrada
ka dambaysay tallaabada uu qaaday.
Nabiil ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay
inay soo jiitaan jiilalka cusub ee Soomaalida oo uu doonayo inay ka weecdaan
filimada ajnabiga, ayna u soo bandhigayaan filimaan casri ah oo ilaalinaya
luuqada, qiyamka iyo dhaqanka Soomaalida oo uu ku tilmaamay in loo baahanyahay
in jiilasha cusub fursad loo siiyo inay daawadaan filimaan cusub oo ka badalan qaabkii hore oo
ku ekaa oo kaliya riwaayadaha masraxa lagu jilo oo dhalinyarada haatan joogta
aan u cuntamaynin. Hadaba filimada Nabiill Nur uu sameeyay ayaa waxaa waxaa
kamid ah WALAALAHA,QALALAASAHA iyo kuwa kale oo ay dhawaan soo bandhigayaan oo
inta badan Filim sameeye Nabiil Nuur
|
dadka Soomaalida ah gaar ahaanna dhalinya du u arkaan kuwo la
jaanqaadi kara xilliga haatan lagu jiro.
Wuxuuna sheegay in Nairobi uu yimid inuu
kusoo bandhigo filim cusub oo la baxay Dhig ama dhaqo.
Hadaba filimka la magic baxay dhig ama
dhaqo ayaa lagu soo bandhigi doonaa Nairobi 19ka bishan august oo ku began
maalinta ciida. Filimkan dhig ama dhaqo ayaa waxaa laga daawaday wadamada Sweden,
Denmark finland, UK, iyo goobo kale oo kale badan, fariinta uu filimku wada
ayaa ah mid lagu wacyi galinayo dhalinyarada soomaaliyeed xaga guurka,furitaanka
iyo diinta.
Waxaana Nabiil uu sheegay inay uu ku rajo
waynyahay inuu yagleelo shirakad filimaanta Soomaaliga ah kobcisa, sarena u qaada tayada filimada
Soomaaliga (Somali Film Industry ).
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya