4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2012
Hay'adda Cunnada iyo Beeraha Adduunka ee FAO oo sheegtay in shaqaalaheeda mid ka mid ah lagu dilay degmada Marko
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay degmada Makro ee xarunta ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay hay'addu ay ku leedahay xarun weyn.

Yaasiin Maxamed Xasan oo ah ruuxa la dilay ayaa wuxuu ka mid ahaa dhowr qof oo kooxo bastoolado ku hubeysan ay ku dileen degmada Marko ka hor intii aysan ka bixin shalay oo Isniin ahayd.

"Waxaan tacsi u diraynaa qoyska iyo asaabta Yaasiin Maxamed Xasan oo aroortii hore ee Isniintii lagu dilay Marko," ayuu yiri madaxa haya'dda FAO, José Graziano da Silva. isagoo intaas ku daray. "Waxaan filaynaa in dilkiisa uu ka dhashay cabsi laga qaaday dagaallo halkaas ku wajahnaa."
 
Hay'addu waxay sheegtay in Xasan oo 32-jir ahaa uu howlwadeen ka ahaa howlo caawinaad iyo dib u dhis ah oo ay FAO ka waday degmada Makro iyo deegaannada ku dhow-dhow ee gobolka Shabeellada hoose.

Warsaxaafadeed ay haya'dda cunnada iyo beeraha dunidu soo saartay ayay ku sheegtay in tan iyo markii ay dillaacday macluushii Soomaaliya bishii July 2011 ay hay'addu ka waday gobolka Shabeellada hoose mashaariic ay ku caawinayso beeraleyda gobolkaas si ay uga soo kabtaan abaarihii sababay macluusha.

Ugu dambeyn, hay'addu waxay sheegtay in 100 shaqaale ah ay Soomaaliya oo dhan uga howgalaan, iyadoo ka mahadcelisay howsha ay shaqaalahaas ka wadaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan goobaha khatarta badan.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay tan iyo sannadkii 2010 ka mamnuucday inta badan hay'adaha samafalka gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobay inay ka howlgalaan deegaannada ay ka taliyaan, iyagoo ku eedeeyay jaajuusnimo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya