4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2012
Farmaajo oo ka digay in hantida qaranka loo isticmaalo ola’olaha doorashada

Sabti, September 01, 2012 (HOL) - Musharraxa madaxtinimada Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa ka dalbaday baarlamaanka cusub ee Soomaaliya inay dhisaan guddi ku meel gaar ah oo ilaaliya hantida qaranka inta laga soo dooranayo xukuumad cusub.

farmaajo-300x289.jpg
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo

“Baarlamaanka Soomaaliya iyo gudoomiyihiisa ayaa maanta ah hogaamiyayaasha sharciga ah ee dalka loo soo doortay, waxaanan ka codsanayaa inay dhisaan gudi ku meel gaar ah oo lamid ah kan doorashada, kaasoo ilaaliya hantida qaranka, inta la helayo xukuumad lasoo doortay oo dalka maamusha”ayuu yiri Farmaajo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo gaareen warar sheegaya in qaar kamid ah madaxda sare ee dalka ee wakhtigoodu dhammaaday ay u isticmaalayaan hantida qaranka kaambaynkooda doorashada,gaar ahaanna lacagta kasoo baxda dekeda iyo ayraboorka.

“Waxaan ka codsanayaa maareeyayaasha dekeda iyo ayraboorkaba inay ilaaliyaan ammaanada qaranka, hantida dalkuna waa mid shacabku uu leeyahay ee maahan mid loo isticmaali karo dano gaar ah” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Farmaajo ayaa dhanka kalana rajo ka muujiyay inuu ku guulaysan doono doorashada soo socota, isagoo ku tilmaamay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay yeelatay mid tayo leh oo xubnaha soo galay ay intooda badan yihiin dad aqoonyahano ah.

Dhanka kalana waxaa uu u hambalyeeyay gudoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaantan la doortay, isagoo sheegay in qaabkii ay doorashadaasi u dhacday ay muujinayso in Soomaaliya ay haatan u gudubtay marxaladii ugu wanaagsanayd oo hogaamiyaasha dalka lagu soo xulanayo aqoon iyo karti.

Hadalka Farmaajo ayaa ku soo beegmay maalin kadib, markii ay gudiga doorashadu ku dhawaaqeen inay 10ka bisha Septemper qaban doono doorashada madaxtinnimada ee dalka.

Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya