4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2012
Dagaallo Saaka Mar kale ka qarxay Gobolka Jubbada Hoose iyo Maydad Saaka lagu Jiid-jiidayo Magaalada Kismaayo

Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu mar kale deegaanka Miido ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidmaada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka saaka ayaa waxaa qaaday ciidamada huwanta ah, waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinac ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dagaalka saaka uu yahay mid ka kulul kii shalay ilaa xalay ka socday deegaankaasi.

Lama oga khasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaalamaya haseyeeshee saraakiil u hadashay labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay waxaana dhinac walba uu ku andacoonayaa in uu khasaare lixaad leh u geystay dhanka kale.



Xaaladda gobolka Jubada hoose ayaa kacsan, waxaana afhayeenka dowladda Kenya Emanuel Chirchir uu sheegay in uu dagaalka soconayo inta ay gacanta uga dhigayaan magaalada Kismaayo.

Dhanka kale waxaa maanta lagu jiidjidayaa wadooyinka magaalada Kismaayo meydadka afar askari oo laba kamid ah ay yihiin Soomaali halka kuwa kalena ay yihiin Kenyan, kuwaasoo ay xoogagga Al-shabaab ku dileen dagaalkii shalay ilaa xalay ka socday deegaanka Miido.

Boqollaal dadweeyne ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Kismaayo, waxaana lagu wareejinayaa meydadka afarta askari oo lagu daba xiray gaadiid islamarkaasina dhulka lagu jiidayo.

Dagaal xooggan oo shalay ilaa xalay ka socday duleedka Afmadow ayay xoogagga Al-shabaab u suurogashay in ay gudaha u galaan magaalada Afmadow, waxaana saaka xaaladda gobolka Jubada hoose ay tahay mid kacsan, iyadoona magaalada Afmadow ay soo gaareen gurmadyo cusub oo u yimid ciidamada Kenya ee dagaal ka wada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya