4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2012
Xarakada Al-shabaab oo Ciidammo soo dhoobay deegaanka Goob-weyn oo ku yaalla Duleedka Magaalada Kismaayo
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 25-km dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay ilaa saaka ay deegaankaasi soo gaarayeen ciidamo aad u tiro badan oo katirsan Al-shabaab islamakraasina ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan oo la sheegay in ay ka kala yimaadeen gobollo ay kamid yihiin Jubooyinka, Gedo iyo Shabeelooyinka ayaa waxa ay fariiso ka dhigteen deegaanka goobweyn, waxaana ay cabsi lasoo darastay dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ayaa ku sugan deegaanka Madhamaato oo masaafo yar u jira deegaanka Goobweyn ee ay ku suganyihiin xoogagga Al-shabaab, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaasi ka qarxo dagaal dhexmara labada dhinac.

“Ciidamo fara badan ayaa soo gaaray deegaanka Goobweyn, waxaana laga baqayaa in uu dagaal bilowdo,” sidaa waxa yiri mid kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Goobweyn oo codsaday in aan magaciisa la xigan.

Xoogagga Al-shabaab ayaa isaga baxay magaalada Kismaayo 28-ka bishii September kadib markii ay culeys kala kulmeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ee isgarabsanaya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya