4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Golaha Guurtidda oo xog warran la yeeshay dalladda SONSAF oo ay ku bahoobeen ururrada aan dawliga ahayn


 
Khamiis, October,25, 2012 (HOL)- Guddi hoosaadka golaha Guurtidda ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa shir ay albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay daladda dawliga ahayn ee SONSAF, kuwaas oo warbixin ka siiyey waxay shacabka u qabtaan iyo hawlaha ay ka shaqeeyaan.

 

Shirkaasi ayaa markii ay dhamaysteen waxay uga xog waramay warbaahinta Gudoomiyaha Gudida Siyaasada Arrimaha dibada iyo xidhiidhka iskaashiga caalamigaa ee golaha guurtida Somaliland Md:Sahal Iidle Dirir oo ka hadlayey ujeedada kulankan, waxaanu sheegay inuu ahaa kulan xog waraysi ah oo ay isku xog waraysanayeen Gudida siyaasada arimaha dibada iyo xidhiidhka iskaashiga caalamiga ee golaha guurtida Somaliland iyo masuuliyiinta dallada SONSAF.

 

“waxanu la kulanay hay’adan maxaliga ah ee SONSAF oo kamida hay’adaha maxaliga ah ee Somaliland, markaa waxaanu kala qaadanay warbixin aad iyo aad u qiimo badan sida warbixintoodaba ku cadna waa dallad kulmisa ururada aan dawliga ahayn, waxaanay ka koobantahay shan waaxood oo aad u balaadhan, markaa runtii dee waxa layidhi marka war lahelaabaa talo lahelaaye, waxay nasiiyeen warbixin qiimo badan oo horumarka bulshada ah, waanu uga mahadnaqaynaa ajiibidda ay soo ajiibeen kulankayaga iyo warbixintaa aadka u qiimaha badan ee ay nasiiyeenba” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha guddi hoosaadka golaha guurtidda Sahal Iidle Dirir.

 


 
“waxa noo yeedhay gudigan siyaasada arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee golaha guurtida ah, waxaanay naga codsadeen hadaanu nahay isku xidhka ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF inaanu warbixin iyo xog iswaraysi siino”ayuu yidhi Gudoomiyaha daladan Aadan Xaaji Cali, isagoo intaas ku daray inay ku faraxsan yihiin la kulanka ay la kulmeen golaha Guurtiida oo ah buu yidhi gole dastuuriya oo awood weyn uu dastuurku siiyey.

 

Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay inay doorashada u tobabarayaan Wakiillo ama muraaqibiinta ay ku yeelan lahaayeen goobaha doorashooyinka ka dhacaan si ay u ogadaan qaabka ay doorashadu u dhacayso, waxaanu xusay in ilaa todoba boqol oo goob jooge ka noqon doona doorashooyinka ay tobabari doonaan, isla markaana qayb weyn kaga jiraan doorashooyinka ka dhici doona Somaliland.

 


Guddidan Arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ayaa maalmihii u dambeeyey kulamo la yeelanaysay masuuliyiin dawladda ka tirsan iyo kuwa aan dawliga ahayn.

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

[email protected]

Hargeysa, Somaliland