4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2012
Milateriga Kenya oo sheegay inay Kismaayo ka heleen Xabaal ay ku Aasnaayeen Afar ka mid ah Ciidamada Milateriga Kenya
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Dowladda Kenay ayaa sheegtay in ciidankeeda ka tirsan AMISOM ay Kismaayo ka heleen xabaal-wadareed lagu aasay afar askarta Kenya ka tirsan, sidaas oo kalena ay heleen maydka askari Soomaali ah oo qoorta laga jaray.

Afhayeenka waaxda difaaca ee wasaaradda gaashaandhigga Kenya, Maj. Emmanuel
Chirchir ayaa sheegay in askartan lagu aasay qabri weyn oo ku yaalla deegaannada ku teedsan xeebta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

"Ciidamadan waxaa lagu waayay dagaalkii ka dhacay deegaanka Miido bishii hore xilligaasoo ay ciidamadeenna ka tirsan AMISOM ku wajahnaayeen Kismaayo oo ay ka talinaysay Al-shabaab," ayuu yiri Maj. Chirchir.

Al-shabaab oo dhammaadkii bishii hore laga qabsaday Kismaayo ayaa waxay kusoo bandhigeen intii aysan magaaladaas ka bixin maydadka askar isugu jiray Kenyan iyo Soomaali, kuwaasoo ay sheegeen inay ku dileen dagaalkii ka dhacay deegaanka Miido ee gobolka Jubbada Hoose.

Maj. Chirchir ayaa sheegay in helitaanka askartan qabriga keliya lagu aaasay ay ka gacan-siiyeen qaar ka mid ah shacabka Kismaayo ku nool, kuwaasoo uu sheegay in ay ka xumaayeen falkaas dhacay.

"Shacabka Kismaayo ammaan ayaan u soo jeedinayaa maadaama ay gacan naga siiyeen sidii aan askartan ku heli lahayn," ayuu Maj. Chirchir ku qoray barta uu ku leeyahay shabakadda Twitter-ka loo yaqaan.

Ciidamada Kenya oo ka tirsan kuwa AMISOM, kuwa dowladda Soomaaliya iyo weliba xoogagga Raaskambooni ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Kismaayo laba todobaad ka hor, markaasoo ay dhowr jaho degmadaas ka weerareen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya