4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2012
Kooxo Hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku Dilay Oday Dhaqameed
Jimco, November 09, 2012 (HOL) —Kooxo Baastoolado ku hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah odoyaal dhaqameedyadii soo xulay xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuunkan oo lagu magacaabi Jiray Malaaq Isaaq Ibraahim ayaa wuxuu kamid ahaa odoyaal dhaqameedyadii ka qeybqaatay soo xulidda baarlamaanka cusub, waxayna kooxo hubeysan ku toogteen degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka dhowr xabadood ay ku dhufteen kooxihii hubeysnaa kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Marxuumka ayaa isagoo dhaawac ah loola cararay isbitalka Daaru-Shifaa halkaasoo markii danbe uu ku geeriyooday.

Ilaa imika lama garanayo cidda ka danbeeysay dilka marxuumkani, mana jiraan masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya