4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2012
Xukuumadda Kenya oo amar ku bixisay in baaritaan lagu sameeyo Khasaarihii ka dhacay Magaalada Gaarisa

Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa amar ku bixisay in baaritaan lagu sameeyo khasaarihii nafeed iyo middii maaliyadeed ee ka dhashay rabshadihii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

Magaalada Gaarisa ayaa waxaa shalay booqasho ku tagay ra'iisul wasaaraha Kenya, Raila Odinga, isagoo shacabka magaladaas u sheegay in magdhow laga siin doono khasaarihii maaliyadeed ee ka dhashay gubashada suuqii ugu weynaa Gaarisa ee Suuq Mugdi.

Sidoo kale, Odinga wuxuu sheegay in baaritaan lagu sameynayo khasaarihii nafeed ee ka dhashay rabshadihii ay milaterigu ka geysteen magaaladaas, wuxuuna si gaar ah carrabka ugu dhuftay in la ciqaabi doono cid walba oo ay kusoo baxdo inay ka ma'suul ahayd dhibaatooyinkii ay milaterigu geysteen.

Rabashadihii ka dhacay Gaarisa oo ka dhashay saddex askari oo si gaadmo ah loogu dilay magaaladaas ayaa waxay sababeen in milaterigu ay howlgallo safballaaran ah ka sameeyaan magaladaas, iyadoo la ogyahay dhimashada laba qof iyo dhaawaca in ka badan 50-qof oo ay ku jiraan haween iyo waayeel.

Madaxweynaha Kenya ayaa amar ku bixiyay in dhacadaas la baaro, isagoo sheegay in ganacsatadii ay hantidu u taallay suuqa gubtay la siin doono magdhow, inkastoo uusan sheegin inta uu magdhowgaas noqon karo.

"Mwai Kibaki wuxuu u ballanqaadayaa dadkii uu ka gubtay suuqa in dib u dhis loogu sameyn doono, sidoo kalena ay dowladdu siin doonto magdhow sida ugu dhaqsiyo badan si ay ganacsigoodii dib ugu soo celiyaan," ayuu madaxweynaha Kenya ku yiri warqad kasoo baxday xafiiskiisa.

Si kastaba ha ahaateen milateriga Kenya waxay iska diideen inay mas'uul ka yihiin dhibaatadii ka dhacday Gaarisa, gaar ahaan gubashada suuqii weynaa degmada, kaasoo ay ku gubatay hanti fara badan.

Magaalada Gaarisa oo ah xarunta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ku soo kordhayya tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore oo ay Kenya ciidammo u dirtay Soomaaliya dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay waxyeelladu kasoo gaarayso dadka shacabka iyo ciidamada ammaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya