4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2012
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Zambia oo iska fogeeyay eedeymo uga yimid Wasaaradda Arrimaha dibadda Zambia

Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Dajiraha Soomaaliya ee dalka Zambia Shirwac C/llaahi Ibraahim oo la hadlay wargeys lagu magacaabo The Post Zambia ayaa iska diiday eedeymo kaga yimid wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas, taasoo ku saabsanayd inuu mas'uul ka ahaa rabshad ka dhacday safaaradda Soomaaliya ee dalka Zambia taasoo keentay in la xiro safaaradda.

Safaaradda Soomaalida ee magaalada Luusaka ayaa waxaa Jimcihii hadallo kulul ay ku dhexmareen dajiraha Soomaaliya u jooga dalkaas, Shirwac Ibraahim iyo weliba siyaasi magaciisa lagu sheegay Maxamed oo sheegay inuu madaxweyne Shariif u soo magacaabay inuu safaaradda Soomaaliya ee Zambia kala wareegto safiirkii hore.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Zambia ayaa weydiisatay in danjire Shirwac uu ka bixiyo raalligelin murankii saxaafadda ka dhacay, kaasoo sababay in safaaradda la xiro lana joojiyo howlaheedii, balse dajiraha oo xilkan loo magacaabay saddex bilood ka hor ayaa ku gacan-sayray arrintaas.

Dajire Shirwac iyo danjira jagada ay isku haystaan ee Maxamed ayaa waxaa su'aalo weydiiyay booliiska Luusaaka, waxaana murankoodii lagu sheegay in mid sharaf dhac ku ah dowladda Soomaaliya.

"Aad ayaan uga xumahay wixii dhacay oo dhan, gaar ahaan in nala geeyo saldhig booliis innagoo dublamaasiyiin ah," ayuu yiri Shirwac oo sheegay inuusan ahayn mid u wanaagsan sawirka Soomaaliya iyo safaaraddaba.

Danjire Shirwac oo wargeyska uu la hadlay ugu warramayay dhismaha safaaradda ayaa wuxuu sheegay inuu isagu u yeeray booliiska, kaddib markii uu isku dayay Maxamed inuu xafiiska ka saaro, taasoo uu ku sheegay inay ahayd mid uu ku saxan yahay.

"Waxaan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Zambia ku boorrinayaa inay joojiso heshiisyo hoosaadyada ay la galayso shaqsiyaadka ka tirsan bulshada Soomaalida ee ku nool halkan. Khamiistii waxaan arkay madaxa anshaha ee wasaaradda iyo xoghayihiisa wuxuuna ii sheegay inuu la kulmay siyaasi Soomaaliyeed," ayuu yiri Shirwac oo ku doodaya in magacaabista safiirka cusub ay tahay mid been ah.

Safiirku wuxuu intaas ku daray inuu la yaabay maqalka in isaga laga bedelayo safaaradda Soomaaliya ee Lusaka. Isagoo is weydiiyay sida ay ugu suurogeli karto shaqsi Soomaaliyeed oo aanay safaaraddu ka warhayn inuu awood u helo inuu kulan la qaato mas'uul sare oo ka tisran wasaaradda arrimaha dibadda.

Ugu dambeyn, danjire Shirwac wuxuu ku celiyay inuusan mas'uul ka ahayn wixii ka dhacay safaaradda Soomaalida ee Lusaka maalintii Jimcaha ahayd, isagoo hadalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Zambia ku tilmaamay been ah oo uusan u dulqaadanayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya