4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2012
Dood-ilmiyeed looga hadlayay Xiriirka ka dhaxeeya Hooyada iyo Gabadha ay dhashay oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay xiriirka ka dhaxeeya hooyada iyo gabadheeda ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galeen in ka badan 150-haween, saraakiil ciidan iyo arday dhigta iskuulladai yo jaamacadaha Muqdisho.

Dooddan oo ahayd wajigii labaad ee isla arrintan ku saabsan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay'adda wadahadalka bulshada (CCD), waxaana hadallo qiimo leh ka jeediyay haween ka socday ururrada bulshada rayidka ah.

Wasiir-u-dowlaha wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska, Luul Cabdi Aadan oo hadal ku furtay doodda ayaa sheegay in haweenku ay muhiimad gaar ah leeyihiin, iyadoo xustay in haweenka looga baahan yahay inay xilligan ka baxaan kala qaybsanaanta.

"Haweenka waxaa jira kuwo kala jaban, waxay qaarkood aaminsan yihiin afkaaro qaldan oo salka ku haysa Soomaali-diidnimo, taasna waxay sababi kartaa inuu aad u yaraado xiriirka u dhexeeya hooyada iyo gabadheeda," ayay tiri Luul Cabdi. Sidoo kale waxay hadalkeeda ku dartay in bulshadu ay baahi weyn u qabto in haweenku noqdaan kuwo mideysan oo wax ka bedeli kara xaaladda uu dalku ku jiro.

Agaasimaha wasaarada haweenka, Maxamed Cumar Nuur oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in haweenka looga baahan yahay inay u midoobaan ka qaybgalka xasilinta dalka.

"Haweenka waa laf-dhabarta bulshada, waa inay fikirkooda mideeyaan, waa inay ka hortagaan dhibaatada, waa dareemi karnaa culeyska haweenka xilligan ka saaran ragga, waayo haweenka dhib ayaa loo geystaan, tacadiyo ayayna la kulmaan," ayuu yiri agaasimaha wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska.



Sidoo kale, agaasimuhu wuxuu sheegay in bisha Juun ee soo socota la furi doono goob ay kusoo dacwoodaan haweenka dhibaatada loo geysto, isagoo xusay inay iska kaashanayaan ciidamada booliska DKMG ah iyo booliiska AMISOM.

Xamdi Xasan Ibraahim oo ah xubin ka tirsan guddiga dib-u-heshiisiinta Qaranka oo ka hadashay doodda ayaa iyaduna sheegtay in hooyooyinku ay ka gaabiyeen inay ka warqabka qoysaskooda, iyadoo intaas ku dartay inay ku adkeynayso inay ka war-hayaan caruurtooda, gaar ahaan gabdhaha.

"Haddii qoyska aan bar-baarintooda la dhisin wax badan ayaa hallaabi kara, waxaan dhici karaa hooyooyinku way ka gaabiyeen ka war-qabka ubadkooda," ayay Xamdi tiri.

Sidoo kale, Najmo Cali Cadde oo ka mid ah gabdhaha wax-bartay iyo Sahro Max'ud Amiin oo ah guddoomiyaha haweenka hay'adda CCD ayaa sheegay in gabdhaha wax la baro, isla markaana la wacyi-geliyo si qoysku u dhismo.

Sucdi Maxamed Cali oo ka mid ah mas'uuliyiinta wasaarada haweenka ayaa iyadana sheegtay in dhinaca hooyooyinka ay ka jirto dabacsanaan ku aabsan habka wacyi-gelinta laga soo bilaabo guriga, xiriirka ka dhaxeeya waalidka iyo caruurtana la dar-dar geliyo si iska warqabku u noqdo mid sii shaqeeya.

Ugu dambeyn, waxaa dood-cilmiyeedka ka hadlay ka qaybgalayaan kale oo fara badan kuwaasoo si aad ah ugu adkeeyay hooyooyinka iyo gabadhahooda inay iska war-qabaan si qoysku uu u noqdo mid wacyi ahaan iyo akhlaaq ahaan dhisan.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya