4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2012
U gurmo Abwaan Axmedey Cabdi Gaashaan oo Muqdisho ku xanuunsanaya


Isniin, May 07, 2012(HOL): Fanaanniin, aqoonyahanno iyo waxgarad ku nool magaalada Stockholm ee caasimadda Dalka Sweden ayaa gurmad intii karaankooda ah u sameeyay Abwaan Axmed Cabdi Gaashaan oo Muqdisho ku xanuunsanaya, isagoo qaba dhaawac ka soo gaaray qaraxii Tiyaatarka ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhasheen.

Dadkani is-xilsaaray ayaa waxaa hormuud u ah Fannaanka Super Khaalid, Cabdulqaadir Akooko, Boss Caato iyo Gabdhaha kala ah Xamdi Jaamac, Alma Aadan iyo Muna Cawad, sidoo kalena waxaa kala qeybqaatay fanaaniin ay ka mid yihiin Cusmaan Amita, Daahir Indha-jaceyl, Keysar Cumar iyo kuwo kale.

Fanaaniintan iyo dadkan is-xilsaaray ayaa magaalada Stockholm waxay ku qabteen bandhig faneed ay ugu magac dareen midkiina taagta daran taageera, waxayna dhaqaalihii bandhig faneedkaas ka soo xarooday iyo dhaqaale kale oo laga soo uruuriyay dadka ku nool Stockholm ay ugu deeqeen Abwaan Axmedey Cabdi Gaashaan.


Al-Fannaan Super Khalid iyo Xamdi Jaamac oo la hadlay Hiiraan Online ayaa u sheegay in ay lacag gaareysa 2,160$ waa sida ka muuqata receipt  xawaaladda Dahabshiil ee lacagta laga dilay.

Tallaabada ay qaadeen Fanaaniinta iyo waxgaradka Stockholm oo kale ayay la gudboon tahay dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba in ay u gurmadaan Abwaan Axmedey Cabdi Gaashaan oo ah Abwaan Soomaaliyeed oo aan meelna uga bixin dalka Soomaaliya wixii dagaallo iyo dhibaato dhacayay.

Abwaanka ayaanan helin daryeel ay heleen in badan oo ka mid ah dadkii qaxaas ku dhaawacmay, kuwaasi oo qaarkood daweyn loogu qaaday dalka dibaddiisa, waxaana la isweydiin karaan su’aasha ah MUXUU GALABSADAYOO LOOGU GURMAN WAAYAY ABWAAN AXMEDEY CABDI GAASHAAN.


Abwaan Axmedey Cabdi Gaashaan waxaa uu sameeyay Ruwaayado Banaadiri ah oo caan baxay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Luul iyo Leyla, 15-kii Shumeey, Kibirkii beerta karfan saaray jaceylka iyo kuwo kale.

Haddaba qofkii doonaya in uu Abwaanka toos ula xiriiro Telefoonkan ayuu kala xiriiri karaa
00252615566031.










Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]