4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
Xildhibaannadii ku dhaawacmay Qaraxii Dhuusomareeb oo loo qaadayo dalka Itoobiya si loogu soo daweeyo

Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Xidlhibaannadii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa lagu wadaa in maanta loo qaado dalka Itoobiya si halkaas loogu soo daweeyo.

Dhaawaca siyaasiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa la sheegay inuu yahay mid aad u daran, waxaa sidoo kale uu dhaawiciisu aad u culus yahay xildibaan Xuseen Samatar Warsame.

"Diyaaraddii qaadi lahayd xildhibaannada iyo siyaasiga dhaawacmay waxay ku sugan tahay garoonka diyaaradaha ee Guriceel, waxaana lagu soo daweynayaa dalka Itoobiya," ayuu yiri mid ka mid ah mas'uuliyiinta degmada Guriceel ee Ahlusunna Waljamaaca.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in isbitaalka degmada Guriceel ay yaallaan dhaawacyo aad u fara badan oo isugu jira shacab iyo ciidammo ku suganaa halkii uu qaraxu ka dhacay ee degmada Dhuusomareeb.

Weerarkaas oo ay mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay in ka badan toddoba qof oo ay ku jiraan labo xidlhibaan, kuwaasoo kala ahaa, Yuusuf Mire Seeraar iyo C/weli Sheekh Maxamed, kuwaasoo lagu wado in isla maanta lagu aaso degmada Dhuusomareeb.

Xidhibaannadii ka badbaaday weerarkaas ayaa waxay sheegeen in qaraxii lagu dili lahaa inuusan hakad ku keeni doonin howsha ay halkaas u joogaan oo ah sidii ay uga shaqeyn lahaayeen dhimasha maamul goboleed ay yeeshaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya