4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 7 , 2012
Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo deeqo uu Shidaal ku jiro gaasiisay qaar ka mid ah Isbitaallada Magaalada Muqidsho


Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom oo ka mid ah shirkada isgaarsiinta ee ka howlgala Soomaaliya ayaa shalay deeq isugu jirta shidaal iyo jodariyaal gaarsiisay qaar ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

Isbitaalada deeqdan la gaarsiiyay ayaa waxaa ka mid ah isbitaalada Keysaney iyo isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir oo ka mid ah isbitaallo la dhigo dadka qaba dhaawacyada iyo kuwa xanuunnada kale ay soo ritaan.

Isbitaalka Banaadir oo ayaa lagu wareejiyay 30 fuusto oo shidaal ah iyo 80 xabbo oo joodariyaal ah, kuwaasoo loogu talogalay dadka bunkaanka ah ee jiifa isbitaalka, iyadoo deeqadan lagu wareejiyay agaasimaha isbitaalka, Drs Luul Max’ed Max’ud.


Drs Luul oo hadashay ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin mamaul ahaan in shirkada Hormuud ay ka helaan deeqdan xili bukaannada isbitaalku jiifa ay baahi weyn u qabaan, waxayna intaa ku dartay inaysan ahayn markii ugu horreysay oo shirkada Hormuud ay deeq noocan oo kale ah soo gaarsiiso isbitaalka.

Sidoo kale; isbitaalka Keysaney oo ku yaalla duleedka Muqdisho ayaa ka mid ahaa isbitaalladii ay shirkadda Hormuud gaarsiisay deeqda, la gaarsiiyay 20 fuusto oo shidaal ah si howlaha isbitaalka loogu wado.

Madaxa maamulka isbitaalka Keysaney, Cali Bile oo goobta ka hdalay ayaa uga mahad-celiyay shirkada Hormuud deeqda ay soo gaarsiisay isbitaalka oo ay jiifaan dad fara badan oo waxyeello ay kasoo gaartay dagaallada ka jira dalka.

Ugu dambeyn, deeq-wareejinta waxaa hadlay Cali Sheekh Yaasiin (Cali Fadhaa) oo ka mid ah madaxda shirkadda Hormuud isagoo sheegay in shirkada ay garab taagan tahay mar walba shacabka Soomaaliyeed.

Ma ahan markii ugu horreysay oo shirkada Hormuud ay deeq gaarsiiso isbitaallada iyo goobaha ay ku sugan yihiin dadka dhibataysan ee Soomaaliyeed.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya