4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2012
Kenya oo dalka Mareykanka iyo Midowga Yurub Weydiisatay inay ka tageeraan qabsashada Magaalada Kismaayo

Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay maanta in xukuumaddiisu ay weydiisatay Mareykanka iyo ururka Midowga Yurub inay ka caawiyaan qorshaheeda dagaal ee ay ku doonayso inay ku qabsato magaalada dekedda leh ee Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubbada Hoose.

Raila Odinga ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay qorsheynayaan dagaalkii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan degmada Kismaayo ee gobolka Jubbad Hoose ka hor inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadka.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab oo la sheegay inay ka hesho dhaqaalaha ay ku dagaalamayso, iyadoo afhayeenka Al-shabaab uu ka sheegay Kismaayo inay difaacan doonaan tan iyo inta uu dhimayo midkooda ugu dambeeya.

"Iyadoo aan gacanta lagu dhigin Kismaayo aad ayay u dhib badnaanaysaa in laga adkaado Al-shabaab," ayuu yiri Odinga oo wariyeyaasha kula hadlayay Nairobi, isagoo intaas ku daray. Isagoo intaas ku daray in ciidamadooda ay waqti badan ku qaadanayso inay dhaqaaqaan waayo waxaa halkaas ku sugan dad badan.

Ra'iisul wasaaraha Kenya wuxuu sheegay inay dalka Mareykanka weydiisteen lacag taageero ah oo ay ku howgalaan. "Mareykanka horay ayuu u sheegay inay kaalmo u fidinayaan ciidamada Kenya marka ay si rasmi ah uga mid noqdaan AMISOM, waxaana ciidamadeennu ay bishan horraanteedii si rasmi ah uga mid noqdeen howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya."

"Waxaan toddobaadkan la hadli doonaa wakiilka Mareykanka, waxaana weydiisan doonaa inay badiyaan dhaqaalaha ay ku taageerayaan howsha socota," ayuu yiri Odinga. "Haddii ay na siiyaan qalab ciidan aad ayay u wanaagsan tahay, balse innagu waxaan hadda weydiisanayno waa taageero dhaqaale."

Afhayeen u hadlay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay inuusan hadalkan ka jawaabayn hadda, balse ay raadin doonaan warar dheeraad ah oo arrintan ku saabsan.

Sidoo kale, Odinga wuxuu sheegay inay weydiisanayso ururuka Midowga Yurub inay ka caawiyaan dagaalka badda, isagoo sheegay in Midowga Yurub ay hadda dagaal kula jiraan burcadbadeedda ku sugan dhulka. Laakiin wuxuu ilowsan yahay inaysan Kismaayo ahayn meel ay ka taliso Al-shabaab oo aysan burcadbadeeddu saldhigyo ku lahayn.

Kumannaan askarta Kenya ah ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii hore gudaha u soo galay dalka Soomaaliya, xilligaas oo ay sheegeen inay kula dagaalamayaan xoogaga Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen weerarro iyo afduubyo ka dhacay gudaha Kenya.

Ra'iisul wasaaraha dalka Kenya wuxuu sheegay in deegaannada Al-shabaab ay ka qabsadaan laga dhisi doono wadooyin, iskuullo, guryo iyo xarumo caafimaad si loogu celiyo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

"Waan awoodnaa inaan gudaha Soomaaliya ka sameyno deegaan, kaasoo qoxootiga Soomaalida lagu celin karo," ayuu yiri Odinga oo intaas ku daray. "Beesha Caalamku waxay doonaysaa inay innaga na caawiso."

Hadalka ra'iisul wasaaraha dalka Kenya ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dalkaas ay ku biireen AMISOM toddobaad ka hor, sidoo kalena uu maalin ka hor shil diyaarad ku dhintay wasiirkii ammaanka gudaha Kenya iyo ku xigeenkiisii.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya