4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2012
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika oo Muqdisho kula shirsan Madaxda DKMG ah

Axad, June 10, 2012 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo kaaliyaha xogyaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Johnnie Carson ayaa soo gaaray Muqdisho iyagoo kulammo la leh madaxda dowladda KMG Soomaaliya.

Kulammadan lama oga waxyaabaha looga hadlayo, waana kuwo ay albaabbadu u xiran yihiin oo ka socda xerada Xalane oo saldhig u ah AMISOM, iyadoo wararka ay sheegayaan in sidoo kale wafdi Ingiriiska ay shirkaas ka qaybgalayaan.

"Johnnie Carson ayaa saakay oo Axad ah aroortii hore kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho," ayuu yiri afhayeenka AMISOM, Col. Paddy Ankunda oo wax laga weydiiyay socdaalka saraakiisha Mareykanka.

Inkastoo aan la ogeyn qodobbada looga hadlayo shirkan ayaa haddana waxaa jira warar hoose oo sheegaya in looga hadlayo dhameystirka Roadmap-ka iyo lacagtii uu Mareykanku dul-dhigay toddoba sarkaal oo Al-shabaab ka tirsan.

Wafdigan ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu sarreeyay oo soo gaara Muqdisho tan iyo markii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda la wareegeen gacan ku haynta Muqdisho oo Al-shabaab ay ka talin jirtay inteeda badan saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Socdaalka Carson ayaa ahaa mid aan saxaafadda lagu wargelin, wuxuuna kasoo dhoofay magaalada Nairobi oo uu ku sugnaa, iyadoo lagu wado in galabta uu xarunta Kenya kula hadlo warbaahinta.

Bishii Abriil ee sannadkii 2007 ayay ahayd markii kaaliyihii wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Jendayi Frazer ay booqasho ku tagtay magaalada Baydhabo oo TFG-du ay deggenayd, iyadoo markaas ku baaqday in la adkeeyo ammaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya