4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Shilal ay ku dhaawacmeen dad ka badan 20-qof oo Maanta ka dhacay Inta u Dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 25-qof ayaa ku dhaawacay shilal kala duwan oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, kaddib markii ay isku dhaceen afar gaari oo laba ka mid ay ahaayeen kuwa gaadiidka loo yaqaan BL-ka ee dadweynaha qaada.

Labadan shil oo ka dhacya deegaanka KM-13 oo u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa shilkii hore waxaa ku dhaawacmay 18-qof kaddib markii ay isku dhaceen gaari weyn iyo Mini-bus ka yimid deegaanka Kaxda kuna socday Muqdisho.

Goobjooge ku sugnaa halka uu shilku ka dhacay ayaa saxaafadda u sheegay in dadka dhaawacmay ay ahaayeen kuwo la socday laba gaari ee shilka galay, isagoo xusay in gaadiidka isku dhacay uu burbur xooggan gaaray.

Sidoo kale, gaari kuwa rakaabka qaada ah oo degmada Afgooye ku socda ayaa si lama filaan waxay isugu dhaceen gaari kale oo kuwa raaxada ah, waxaana halkaas ku dhaawacmay toddoba qof oo rakaabkii gaarigaas ka mid ahaa.

Rakaabkii gaariga dadweynaha la socday ee ka badbaaday shilka ayaa sheegay in gaarigii ay la socdeen uu burbur xooggan gaaray, balse aysan jirin cid dhismasho ay kasoo gaartay.

Dhanka kale, maydka wiil dhallinyaro ah oo aan la ogeyn cidda dishay ayaa saakay lagu arkay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn cidda dilkiisa ka dambeysay iyo sabab loo dilay intaba.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya