Jimco, January 09, 2009(HOL): Hoggaamiye kooxeedyo dhawaanahan sheegayay in ay ka mid yihiin Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ayaa waxaa loo jeediyay digniin ah in ay ka waantoobaan sheegashada magacaas, isla markaana ay ku ekaadaan hoggaamiye kooxeednimadooda.
Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan oo ka mid ah Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ayaa sheegay in dhawaanahan ay soo gaarayeen warar sheegaya in Hoggaamiyo Kooxeedyo la socda Ciidamo Itoobiyaan ah ay sheeganayaan magaca Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, taasi wuxuu ku tilmaamay mid meel-ka-dhac ku ah Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo aan lagu aqoonin dhaqamada Hoggaamiye Kooxeedyada.
“Annaga wax xiriir ah nagama dhaxeeyo hoggaamiye kooxeedyada sheeganaya magaca Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, xaqna uma lahayn in ay sheegtaan Ahlu Sunna waayo maba ahan dad ka tirsan Ahlu Sunna Wal-Jamaaca”ayuu yiri Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan.
Mas’uulkan u hadlay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca waxaa uu sheegay in hoggaamiye kooxeedyada ay doonayaan in ay sharaf-tiraan magaca Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaan in ay arintas si weyn uga soo horjeedaan.
Hadalka uu sii daayay mas’uulkan u hadlay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ayaa wuxuu soo beegmayaa iyadoo dhawaan ay sheegeen Hogagamiye Kooxeedyo ay ka mid yihiin Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso), Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, ayna la dagaallamayaan Xoogag ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia