Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhac ka geystay Degmada Diin-soor ee Gobolka Bay

Cabirka Farta

Jimco, January 09, 2009(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha u galay Degmada Diin-soor ee Gobolka Bay ayaa waxay halkaas ka geysteen dhac ay kula kaceen goobo ganacsi oo isugu jiray Dukaamo iyo biibitooyin.

Dadkii lahaa goobaha ganacsi ee la bililiqeystay ayaa markii ay Ciidamada Itoobiyaanka isaga baxeen Degmada, waxay isugu soo baxeen bartamaha degamda, halkaasi oo ay ku soo bandhigeen sida ay uga xun yihiin falka ay Ciidamada Itoobiyaanka kula kaceen.

Wuxuu ahaa falkii ugu horeeyay oo dhac bareer ah oo ay Ciidamada Itoobiyaanka kula kacaan goobo ganacsi oo ku yaala gobolka Bay, inkastoo ay horay goobo ganacsi oo Muqdisho ku yaala ay u bililiqeysteen intii uu socday dagaalkii dhacay bilihii Maarso iyo April ee 2007.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee bililiqada ka geystay Degmada Diin-soor ayaa waxay isugu jireen kuwo Baydhabo ka tegay iyo kuwo dhinaca Gobolka Gedo ka yimid, kuwaasi oo dagaallo ay ku qabsadeen duleedyada Degmada Diin-soor.

Falkan ay ku kaceen Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa si weyn u cambaareeyay dad badan oo Soomaaliyeed oo isugu jira kuwo ku dhaqan Degmada Diin-soor iyo kuwo kale oo ku dhaqan dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia