![]() |
| Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya/Photo By: REUTERS |
Xafladda oo si heer ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay gebi ahaanba Xildhibaannadii doortay madaxweynaha Soomaaliya, wakiillo ka socday Beesha Caalamka, waxaana madaxdii ka khudbeysay laga xusi karaa Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, Danjiraha Mareykankaee Soomaaliya John Yates, Ergayga Wada hadallada Jibouti u qaabilsan Dr. Xaamid Cabdi Suldaan, Nicolas Bwakira oo Midowga Afrika ka socday iyo madax kale oo ka socday Jaamacadda Carabta, IGAD iyo Ururka Islaamka.
Marka laga soo tago Urur Goboleedyadii iyo Dowladihii ballanqaaday in ay taageeri doonaan Dowladda Soomaaliya waxaa khudbaddii ugu qiimaha badneyd jeediyay Xildhibaannada Soomaalida iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Jibouti Xaamid Cabdi Suldaan oo Soomaalida, Madaxweyne Shariif iyo Beesha Caalamkaba talooyin u jeediyay.
Soomaalida ayuu ugu baaqay Dr. Xaamid Cabdi Suldaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinkii ay mudada dheer ku soo jireen, isla markaana ay ku faro adeygaan miraha u soo dhashay ee ah Dowladda loo dhan yahay, wuxuuna wax aan wanaagsaneyn ku tilmaamay in Soomaalida marka ay munaasabadaha isugu yimaadaan ay qaadaan Heesta Soomaaliyey toosoo, marka ay kala tagaanna uu xaalka si kale noqdo.
Halkan ka dhegeyso Khudbadda
Madaxweynaha cusub kadib dhaarintiisa
Madaxweyne Shiikh Shariif ayuu ugu baaqay Dr. Xaamid in uu ka soo dhalaalo xilka loo doortay, isagoo xusuusiyay in xilka loo dhiibay uu yahay xil culus oo ay diideen cirka, dhulka iyo buuraha, wuxuuna farta ugu ishaaray in uu hor-yaallo mustaqbalka dal burbursan oo aan lahayn adeegyadii bulshada.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa isna ka taariikheeyay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen wada hadalladii keenay in la doorto dowlad ay ku mideysan yihiin Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka, wuxuuna caddeeyay in ay taasi ku timid dadaal ay muujiyeen madaxda labada dhinac oo uu ka xusay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, wuxuuna intaas ku daray in midnimo, wadajir iyo iskaashi xal lagu gaari karo, isagoo caddeeyay in aan dagaal xal lagu gaari doonin.
Danjiraha Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya John Yates ayaa isna ka hadlay xafladda caleemo-saarka wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu goob-joog u ahaado dhaarinta iyo caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Mr. Yates waxaa uu intaas ku daray in Mareykanka iyo Soomaaliya ay bishan Janaayo galeen is-bedel cusub oo ay weliba hoggaaminayaan jiilala cusub oo dhalinyaro ah. Dowladdiisa ayuu sheegay in ay horay dhaqaale ugu taageertay Soomaaliya, haatanna ay diyaar la tahay in ay dhaqaale kale ku bixiso.
Intaas kadib waxaa la dhaariyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo uu dhaariyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe). Dhaarinta kadib waxaa Madaxweyne Shariif lagu wareejiyay Calanka Soomaaliya, kaasi oo uu ka guddoomay Sarkaal Jiboutian ah oo gaado-ka-ciyaar ugu keenay Calanka.
Ugu dambeyntiina, waxaa xafladda ka hadlay Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ugu horeyn u mahadceliyay intii dadaalka u gashay geedi socodkii loo soo galay in dowlad-midnimo-qaran oo loo dhiso Soomaaliya, gaar ahaanna wuxuu u mahadceliyay Qaramada Midoobay, Dowladaha Mareykanka, Jibouti iyo Ururrada Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo Ururka Islaamka.
Intaas kadib Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaa uu guda galay ujeedka qudbadiisa, wuxuuna sheegay in mas’uuliyadda la saaray oo aad u culus uusan kaligiis qaadi karin haddii aanan lala qaadin, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed iyo Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay garab ku siiyaan sidii ay u dhaqangelin lahaayeen mirihii ka soo baxay wada hadalladii Jibouti.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in ay Dowladdiisa ka shaqeyn doonto sidii ay ammaanka u sugi lahayd, ayna guryahooda ugu soo celin lahayd dadkii guryahooda ka barakacay, dababdeedna loogu heli lahaa gargaar deg deg ah.Sidoo kalena dadkii dhibaatooyinka khaaska ah soo gaareen daryeelkooda iyo soo celinta adeegga bulshada ayuu sheegay in ay dowladdiisa xoogga saari doonto.
Dhinaca mushkiladaha Siyaasadda waxaa uu sheegay in ay dowladdiisa raaci doonto heshiisiinta iyo isu keenidda shacabka Soomaaliyeed, “waxaan ku kalsoonahay in la joogo marxaladdaas, waxaana ku kalsoonahay in aan kartideeda iyo daacadnimadeeda la imaan doonno Insha Allaahu Tacaalaa, waxaana ku kalsoonnahay in Allaah SWT uu arrintaas garab nagu siin doono, sidoo kale waxaan ku howlgeli doonnaa siyaasad fur-furan oo aan kula xiriireyno caalamka, isla markaana aan ku xalineyno mashaakilka annaga iyo deriskeena noo dhaxeeya, si aan uga gudubno marxaladda adag ee aan ku jirno, loona helo geyi nabad ah, waxaan si xooggan ugu dhegi doonnaa mabda’a deris wanaagga iyo wada noolaashada nabadeed iyo dowladaha in aysan is-faragelin balse ay iskaashadaan dhinac walba, waxaan aad u rajeyneynaa in Dowladaha IGAD ee aan xubinta ka nahay uu na dhexmari doono xiriir aad u wanaagsan oo ka duwan xiriiradii hore”ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Madaxweyne Shariif waxaa uu sheegay in uu soo magacaabi doono Ra’iisal Wasaare karti leh, kaasi oo aan lagu soo xuli doonin cilaaqaad gaar ah, waa sida uu hadalka u yiriye wuxuuna rajeeyay in Xukuumadda uu Ra’iisal Wasaarahaas soo dhisayo ay noqon doonto mid awood u yeelata in ay wax ka qabato dhibaatooyinka dalka Soomaaliya ka jira.
“Mashaakilaadka jira waxaan u wajihi doonnaa si mas’uuliyad ku jirto. Wel wel ka caalamka ka haya Burcad Badeedka iyo Afkaarta diinta loo nisbeynayo ee qaldanna waxaan ka qaban doonnaa waxyaabo la taaban karo, annaga oo ku wajaheyna hab fikri ah oo diini ah iyo Dhaqanka Umadda Soomaaliyeed ee saliimka ah ee ku saleysan Diinta Islaamka”ayuu yiri mar kale Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo u mahadceliyay Dhinacyadii Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ee ka soo shaqeeyay geedi-socodka nabadeynta Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maalinta berri ah wuxuu ka qeybgeli doonaa shir ay madax ka socota Midowga Afrika ay ku yeelanayaan Magaalada Addis Ababa, waxaana hubanti ah in madaxweynaha cusub ay madaxda Itoobiya si heer Qaran ah ay u soo dhaweyn doonaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
