Sabti, January 31, 2009(HOL): Saaka waaberigii markii ay soo gebagebowday doorashadii ka socotay guriga Umadda Jibouti ee loogu tartamayay madaxweynenimada Soomaaliya, isla markaana uu ku guuleystay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday rasaas loogu damaashaadayay doorashadiisa, taasi oo isugu jirtay mid waa weyn iyo mid yar yar.
Dadkii ku soo baraarugay dhawaqa Rasaastaas ee la socodka doorashada ka hurday ayaa waxay u heysteen in uu dagaal ka socdo meelaha ay rasaas ka dhaceysay, waxaana aad u badnaa dhawaqa rasaasta qoriga lidka diyaaradaha oo hawada loo ridayay.
Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa intooda badan waxay soo dhaweynayaan doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ee Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxayna taasi ku sababeynayaan in Shiikha uu yahay mas’uul is-bedel ku keeni kara xaaladda dalka Soomaaliya, waxayna intii uusan doorashada ku soo bixin ay ka baqayeen in la doorto mas’uul aan waxba ku soo kordhin doonin xaaladda dalka Soomaaliya.
Kadib marka uu Shiikh Shariif kasoo qeybgalo shir maalinta berri ah ka dhici doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay isugu imaanayana Madaxda Midowga Afrika waxaa la filayaa in uu ku soo laabto Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana uu bilaabo howlaha horyaalla ee uu ballanqaaday in uu qabanayo markii uu isa soo sharaxayay.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga fadhiyo in uu qabto madaxweynaha cusub ayaa waxaa ka mid ah in wada hadallo la furo dadka ka soo horjeeda dowladda uu madaxda ka yahay, sidoo kalena uu wax ka qabto amni darrada dalka Soomaaliya.
Ugu dabeyntiina, maalmaha soo socda ayaa la eegi doonaa is-bedelka uu la yimaado Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo ay horyaallaan caqabado badan oo qaarkood ay uga imaanayaan dhinaca kooxo islaamiyiin ah oo aan la dhacsaneyn dowladda uu madaxda ka yahay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia