Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo wadajir u magacaabay Hay'ad ka shaqeyn doonta fududeynta Gargaarka Bani'aadannimada

Cabirka Farta
Isniin, September 22, 2008(HOL): Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxay si wada jir ah u magacaabeen Hay'ad fududeyn doonta Gargaarka Bani'aadannimada ee ay Hay'adaha samafalka ugu talagaleen dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.
 
Hoggaamiyayaasha Ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ee dhawaanahan wada hadallada ku lahaa Dalka Jibouti ayaa maanta shir jaraa'id oo ay ku qabteen Magaalada Djibouti waxay kaga dhawaaqeen Hay'adda Gargaarka Soomaaliya, taasi oo fududeyn doonta howlaha gargaarka bani'aadannimada.
 
Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo ah Hoggaamiyaha Ergada Dowladda Federaalka ee Wada hadallada Jibouti ayaa sheegay in hay'addan ay qiimeyn ku soo sameyn doonto deegaanno badan oo Soomaaliya ku yaala kuwaasi oo ay ku nool yihiin dad ay abaaro wax-tireen iyo kuwo guryahoodii nabadgelyo la'aan aawgeed uga soo barakacay.
 
Sidoo kalena, C/raxmaan C/shakuur oo ah Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta ee wada hadallada Jibouti ayaa isna wuxuu sheegay in Hay'addan ay wax weyn ka tari-doonto fududeynta gargaarka bani'aadannimo ee la siiyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in xubnaha Hay'addan ay ka kala imaan doonaan Dowladda Federaalka, Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magacaabidda Hay'addan ayaa waxay qeyb ka tahay fulinta qodob ku saabsanaa in wax loo qabto dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo u badan kuwo guryahoodii uga cararay dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia