Isniin, September 22, 2008(HOL): 30 ruux ayaa inta la xaqiijiyay waxay ku geeriyoodeen duqeyn xalay ilaa saaka ku socotay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawacyo ayaa soo gaaray.
Duqeyntan oo bilaabatay xalay 2-dii habeennimo ayaa waxay timid kadib markii Xoogagga Al-Shabaab ay Madaafiic ku weerareen Fariisimo ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Isgoyska KM4 iyo Dugsigii tababarka Xalane ee ku dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Madfac xalay ku dhacay guri ku yaala Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan ayaa wuxuu sababay dhimashada 7 ruux, kuwaasi oo dhamaantood isku qoys ahaa. Sidoo kalena madfac kale oo isla xalay ku dhacay Guri ku yaala Xaafadda African Village ee isla Degmada Hodan ayaa isna wuxuu geystay dhimashada 4 ruux oo isugu jiray Nin iyo Xaaskiisa iyo labo Caruur ah oo ay dhaleen.
Madaafiic kale oo saaka barqadii ku dhacday Suuqa Bakaaraha iyo hareerihiisa ayaa iyana inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 19 ruux, kuwaasi oo ay madaafiic kula kala dhaceen Isgoysyada Howl-Wadaag, Bakaaraha iyo qeybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha.
Goob-jooge ku sugan qeybta Cabadalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu sheegay in uu arkay meydadka ilaa 12 ruux, kuwaasi oo isugu jiray kuwo mehrado ganacsi heystay iyo kuwo suuqa u tegay in ay wax ka soo iibsadaan.
Duqeynta ku socota Suuqa Bakaaraha ayaa ku soo beegantay iyadoo beryahan ay Suuqa aad u taga dad doonaya in ay ka soo iibsadaan dharkii Ciidda iyo waxyaabo kale oo ay ugu diyaargaroobayaan munaasabadda Ciidda.
Waa duqeyntii ugu ba'neyd oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, taasi oo weliba dhacday iyadoo aanu socon dagaal fool ka fool ah oo u dhaxeeyay dhinacyada ku dagaallama magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Bridgye Bo-huko oo la weydiiyay in ay dusha u ridan doonaan mas'uuliyadda madaafiic xarumahooda laga soo tuuray oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad badan, wuxuuna sheegay in ay mas'uuliyaddaas qaadayaan kooxihii soo weeraray, iyaguna ay yihiin kuwo la soo weeraray oo is-difacaya.
Wixii ku soo kordha duqeynta ku socota Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa halkan kala soco Haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Duqeyn ay dad badan ku dhinteen oo xalay ilaa saaka ka dhacday Magaalada Muqdisho
Cabirka Farta
More News
- Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo wadajir u magacaabay Hay'ad ka shaqeyn doonta fududeynta Gargaarka Bani'aadannimada
- Diyaarad ganacsi oo ka degatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo cambaareeyay duqeyn Muqdisho loogu geystay Dad rayid ah
- Mas'uuliyiinta Midowga Maxkamadaha iyo Hay'adaha Samafalka oo kulan Xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Beledweyne
- Ciidanka Booliska Puntland oo Xoog ku soo furtay Nin Jarmal ah oo afduub loo haystay