Axad, September 21, 2008(HOL): Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ku taala duleedka Magaalada Baydhabo oo lagu magacaabo Al-Amxaar, taasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Weerarkan oo xalay dhacay ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada labo ruux iyo dhaawaca shan kale, kuwaasi oo la sheegay in ay isugu jireen dad rayid ah iyo Ciidamadii Barta Koontarool joogay.
Dad goob-joogayaal oo deegaanno ku leh nawaaxiga Koontaroolka Al-Amxaar ayaa sheegay in Xoogagga Al-Shabaab ay ku guuleysteen intii dagaalka socday in ay la wareegaan gacan ku heynta Koontaroolkaas, walow ay mar dambe isaga tageen.
Sidoo kalena, Xoogagga Al-Shabaab waxay xalay weerar loo adeegsaday madaafiic ay ku qaadeen guriga uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe uu ka degan yahay Magaalada Baydhabo, inkastoo dad ku dhow dhow Guddoomiyaha Baarlamaanka oo aan arrintaas kala xiriirnay ay sheegeen in arkayeen madaafiic ka gudbeysay guriga Guddoomiyaha balse aysan jirin wax madaafiic ah oo ku dhacay Guriga Guddoomiyaha.
Weerarrada xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxay qeyb ka yihiin falal nabadgelyo darro ah oo dhawaanahan ka dhacayay magaalada Baydhabo, kuwaasi oo isugu jiray dilal, qaraxyo iyo weerarro madaafiic loo adeegsaday oo dhowr jeer oo hore lagu qaaday Magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay oo ay amni darradaas ka jirto ayaa hadana waxaa fariisin KMG ah ku leh Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena waxaa ku yaala Xafiisyo KMG ah oo ay leeyihiin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia