Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley oo ka badbaaday weerar lagu dili lahaa

Cabirka Farta

Axad, September 21, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa waxay weerar ku qaadeen Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Xasan Cali Maxamed Xashaash  xili uu ku sugnaa xarunta Degmadaas.

Weerarka ay kooxaha hubeysan ku qaadeen Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley ayaa waxaa ku geeriyooday darawalkii Guddoomiyaha, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah ilaaladiisa.

Weerarkaas ayaa markii uu dhacay kadib waxaa goobta tegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo howlgallo ka sameeyay xaafadaha u dhow Xarunta Degmada Wardhiigley.

Weerarka lagu qaaday Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Xasan Cali Maxamed Xashaash ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xilkii laga qaaday maamulkii Gobolka Banaadir ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), isla markaana Gobolka Banaadir loo sameeyay Guddi KMG ah oo soo diyaarinaya maamul ay dadka soo doorteen oo uu yeesho Gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay horay u dileen ku dhawaad 10 Guddoomiye Degmo, Guddoomiye ku xigeenno iyo Guddoomiye Waaxeedyo, iyadoo sidoo kalena la dilay labo Afhayeen oo uu yeeshay Maamulkii Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia