Jimco, September 19, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in uu saaka hakad galay shir halkaas uga socday dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
Wararku waxay intaas ku darayaan in shirka uu hakadka ku yimid kadib markii Xubnaha Isbaheysiga ay diideen in ay ka qeybgalaan wada hadallo uu goob-joog ka yahay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Dalka Jibouti Shamsudiin Axmed Rooble.
Xubnaha Isbaheysiga ayaa waxay soo jeediyeen in Qaramada Midoobay oo wada hadallada qaban qaabineyso laga doonayo inay Wada hadallada ka saarto Safiirka Itoobiya ee Jibouti, mana jiro ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ay Qaramada Midoobay ka soo saartay soo jeedintaas.
Maanta ayaa lagu waday in dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay saxiixaan qodobo ay maalmahan ka doodayeen Guddiyo Siyaasadda iyo Ammaanka qaabilsan oo ay labada dhinac iska dhex doorteen, kuwaasi oo qodobada ay ka hadlayeen ay ka mid ahaayeen in Xabadda si rasmi ah loo joojiyo, in Ciidamada Itoobiya laga saaro Xaafadaha Magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya, in Ciidamada labada dhinac la isku dhafo iyo qodobo kale oo ku saabsan Dhaqaalaha, Maamullada Dalka, Dastuurka, Arrimaha Bulshada iyo Arrimaha Gargaarka.
Waxaa socda dadaallo diblumaasiyadeed oo ay Qaramada Midoobay ku dooneyso in ay ku qanciso Safiirka Itoobiya u fadhiya Dalka Jibouti, kaasi oo uu Isbaheysiga Dib u xoreynta diidan yahay in uu goob-joog ka ahaado wada hadallada dhinacyada Soomaalida u socda.
Wixii ku soo kordha Wada hadallada Jibouti kala soco halkan haddii Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia