Xiisad dagaal oo ka jirta Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta

Jimco, September 19, 2008(HOL): Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jirta xiisad dagaal, waxaana gudaha iyo daafaha magaalada ka socda dhaqdhaqaaqyo mileteri oo ay sameynayaan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xerada Janta-kuundisho iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xerada Jante-kuundisho ayaa waxay madaafiic ku garaaacayaan Buuraha Xeradaas u dhow, halka Xoogagga maxkamadaha ay iyaguna wadaan dhaqdhaqaaqyo Mileteri, waxaana gudaha iyo daafaha magaalada lagu arkaa gaadiid dagaal oo ay Maxkamadaha leeyihiin.

Madaafiicdaas ay Ciidamada Itoobiyaanka ku garaacayeen Buuraha waxaa ay sababeen inta la xaqiijiyay dhaawaca hal qof oo la socday Gaari Dhagaxle ah, kaasi oo marayay meel ku dhow buuraha ay Ciidamada Itoobiyaanka madaafiicda ku garaacayeen.

Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa waxay muujinayaan cabsi ay ka qabaan dagaal mar kale dhexmara Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamka ee ka soo horjeeda, kuwaasi oo dhowr jeer oo hore ku dagaallamay magaalada Beledweyne.

Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Beledweyne kala soco halkan haddii Alle idmo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia