Cabsi ka taagan Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta

Khamiis, September 11, 2008(HOL): Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa dadka ku dhaqan waxaa maanta gelinkii dambe la soo deristay cabsi ay ka qabaan inay waxyeello u geystaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan.

Cabsida ay dadku qabaan ayaa waxay timid kadib markii bartmaha magaalada lagu dilay Askari Itoobiyaan ah, kadibna ay Ciidamadii Itoobiyaanka dileen labo ruux oo rayid ah, kuwaasi oo kala ahaa Nin Harqaanle ahaa iyo mid Gaari gacan ku xamaalanayay.

Markii ay Ciidamada Itoobiyaanka geysteen dilka labadaas ruux ayay dadkii ku dhaqnaa Magaalada bilaabeen in ay naftooda la baxsadaan iyagoo ka baqaya in ay Ciidamada Itoobiyaanka waxyeello u geystaan.

Dhanka kalena, waxaa jirta cabsi ay dadka ka muujinayaan in uu magaalada ka dhaco iska hor-imaad u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, kuwaasi oo dhowr jeer oo hore ku dagaallamay gudaha Beledweyne.

Wixii ku soo kordha Xaaladda Beledweyne kala soco halkan haddii Alle idmo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia