Guddoomiyihii Degmada Shibis oo la toogtay

Cabirka Farta

Khamiis, September 11, 2008(HOL): Waxaa gudaha xarunta Degmada Shibis lagu toogtay Guddoomiyihii Degmadaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Filfil, kaasi oo ay warar kala duwan ka soo baxayaan ciddii dilkiisa ka dambeysay.

Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyaha ay toogteen Kooxo hubeysan , halka warar kalena ay sheegayaan in uu ku dhintay is-rasaaseyn dhexmartay ilaaladiisa iyo ilaalo uu watay ku xigeenkiisa oo uu muran u dhaxeeyay.

Dilka loo geystay Guddoomiyihii hore ee Degmada Shibis ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa Dadka iyo Ganacsiga Degmada Shibis, gaar ahaan Suuqa Maana-boolyo oo ah mid maalintii si weyn loogu ganacsado.

Ciidamo badan oo ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa lagu arkayay Suuqa Maana-boolyo iyo qeybo ka mid ah Degmada Shibis, kuwaasi oo dadka joojinayay kadibna ka qaadanayay lacag iyo taleefoonnada gacan-qaadka ah wixii ay wataan.

Dilka loo geystay Guddoomiyihii Degmada Shibis Maxamed Cabdi Filfil ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maamulkii uu ka tirsanaa ee Gobolka Banaadir la kala diray, isla markaana Gobolka Banaadir loo sameeyay Guddi KMG ah oo soo diyaarin doona maamul ay dadka soo doorteen oo uu yeesho Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntiina, waxaa horay magaalada Muqdisho loogu dilay Guddoomiyayaal Degmo, kuwaasi oo tiradooda ku dhaweyd 10 Guddoomiye, inkastoo ay Guddoomiyayaashaas toogteen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia