Isniin, September 01, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Mileteriga waxaa ka sameysmay Idaacado si gaar ah loo leeyahay, kuwaasi oo ay badankood sameysteen ganacsato Soomaaliyeed.
Idaacadahan oo dhamaantood FM ah ayaa waxay tiradooda kor u dhaafeysaa 10 Idaacadood, waxayna u shaqeeyaan qaab isku mid ah, Barnaamijyo la moodo in ay isaga daydeen-na waa ay baahiyaan.
Haddaba Idaacadahan oo si weyn looga dhegeysto Magaalada Muqdisho ayaa waxaa intooda badan laga maqlaa mowjado isu dhow, waxaana mararka qaarkood dhacda in ay is-dul fuulaan oo si fiican loo maqli waayo.
Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo si weyn u dhegeysta Idaacadahan ayaa waxay ku jaha wareersan yihiin hawo isku ciriirinta ay isku hayaan Idaacadahan oo mas’uuliyiintooda ay hawada ku shaacsadeen Mowjado meelo isku dhow laga dhegeysanayo.
|
Magacyada Idaacadahan iyo Mowjadaha laga dhegeysto |
|
Magaca Idaacadda Mowjadda laga dhegeysto |
|
Horn Afrik 99.9 MHz |
|
Shabelle 101.5 MHz |
|
Somaliweyn 100.5 MHz |
|
Banadir 103.5 MHz |
|
IQK 102.5 MHz |
|
Simba 095.0 MHz |
|
VOD 093.5 MHz |
|
Codka Nabadda 098.8 MHz |
|
Radio Muqdisho 090.0 MHz |
|
Capital Voice 088.8 MHz |
|
Xuriyo 096.0 MHz |
|
Iqra 097.0 MHz |
|
BBC FM 091.9 MHz |
Dad badan oo ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxay qabaan in haddii Idaacadahan ay mowjado ahaan kala fogaan lahaayeen ay taasi keeni lahayd in is nadiif ah loo dhegeysto, halka ay haatan hawada isku carqaladeynayaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Idaacadahan FM-ka ee laga dhegeysto Magaalada Muqdisho ayaa waxay tebiyaan Warar Siyaasad u badan, Suugaan Heeso u badan, Barnaamijyo ka hadla Arrimaha Bulshada oo aanan badneyn iyo Iidhehyo loo sameeyo Shirkado ganacsi oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia