Dagaal saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Isniin, September 01, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan xaafado ku teedsan Wadada Warshadaha ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamka oo ka soo horjeeday.

Dagaalka oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadaha Carafaad, Miisaanka Dhuxusha iyo nawaaxiga Garoonka Kubadda Muqdisho Stadium, waxaana xaafadahaas laga maqlayay rasaas xooggan oo ay labada dhinac isku ridayeen.

Dagaalka ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay Xoogagga Maxkamadaha Islaamka oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidamadaas kaga sugnaayeen qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha.

Khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaray dagaalkaas ayaa aad u yar waxaana taas ugu wacan iyadoo goobaha uu dagaalka ka dhacya ay yihiin kuwo ay dadkii deganaa horay uga barakaceen.

Haddii aynu eegno khasaaraha dagaalkii saaka ka soo gaaray dhinacyadii dagaallamayna Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay dagaalkii saaka ku dileen 10 askari, halka uu sheegay in aan dagaalkaas dhinacooda wax khasaare ah ka soo gaarin.

Dhinaca Dowladda Federaalka weli lagama hayo wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka soo gaaray dagaalkii saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddo labo sano ku dhow waxaa ka dhaca dagaallo dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxayna dagaalladaas magaalada ka dhigeen mid dadkii deganaa badankiis ay ka carareen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia