Xildhibaanadii ugu dambeeyay oo saaka laga daad-gureynayo Magaalada Baydhabo

Cabirka Farta

Axad, October 26, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in saaka magaaladaas laga daad-gureynayo qeybtii ugu dambeysay ee Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Maalmihii aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka baxayay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo ku sii jeeday Magaalada Nairobi oo maalmaha soo socda uu ka bilaabanayo shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Madaxda ka socota Urur Goboleedka IGAD.

Xildhibaannadan saaka ka baxaya Magaalada Baydhabo ayaa marka ay gaaraan Magaalada Nairobi waxay ku biirayaan Xildhibaannadii ka horeeyay, waxayna taasi noqoneysaa in Baarlamaanka uu ku noqday halkii lagu soo dhisay oo Magaalada Nairobi ah.

Magaalada Baydhabo ayaa marka ay maanta ka baxaan mudanayaashan waxay noqoneysaa mid ay ka guureen inta badan mudanayaashii Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kaliya ku soo haray Maamulka Gobolka Bay iyo Ciidamo ilaalo ka haya Xarumo ay halkaas ku leeyihiin madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lama oga in Mudanayaasha Baarlamaanka ay dib ugu soo noqon doonaan Magaalada Baydhabo oo ay ku sugnaayeen tan iyo 26-kii Febraayo 2005 iyo in xaaladda is-bedeli doonto marka ay gaaraan Magaalada Nairobi, iyadoo ay haatanba ay soo baxayaan warar sheegaya in is-bedel lagu sameynayo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka jirta Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia