Afhayeen u hadlay Dowladda Federaalka oo sheegay in ay soo ceshadeen Deegaanno uu Al-Shabaab ka qabsaday iyo Afhayeenka Al-Shabaab oo arrintaas beeniyay

Cabirka Farta

Axad, October 26, 2008(HOL): Afhayeenka Ciidamda Booliska Soomaaliya G/lle Dhexe C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in ay Ciidamada Dowladda dib u soo ceshadeen deegaanno uu ka qabsaday Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

G/lle Dhexe C/llaahi Xasan Bariise waxaa uu sheegay in ay Ciidamada Dowladda Federaalka gacanta ku hayaan Degmooyinka Gobolka Bay, sidoo kalena ay qorsheynayaan in ay iyana soo ceshadaan Degmooyinka Gobolka Bakool oo uu xusay in ay haatanba gacanta ku dhigeen Degmooyinka Xudur iyo Waajid ee Gobolkaas.

Afhayeenkan u hadlay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in aaney u qorsheysneyn in ay weeraraan deegaanada ay gacanta ku hayaan Xoogagga Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna sheegay in Maxkamadaha iyo Dowladda ay wada hadallo u socdaan, hayeeshee ay beegsan doonaan meelaha ay ku sugan yihiin Xoogagga Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

“Ma jirto wax colaad ah oo noo dhaxeysa annaga iyo Maxkamadaha Islaamka, wada hadallo ayaana noo socda, balse kuwa uu dagaalka nagala dhaxeeyo waa dadka nabadda diidan ee Al-Shabaab la yiraahdo”ayuu yiri G/lle Dhexe C/llaahi Xasan Bariise.

Haddaba iyadoo Afhayeenka u hadlay Dowladda Federaalka Soomaaliya uu sidaas leeyahay ayaa warkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo sheegay in aaney jirin meel ay Ciidamada Dowladda dib u qabsadeen.

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in ay ogyihiin Ciidamo si dhuumaaleysi ah ku tegay degmooyin ka tirsan Gobolka Bay, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku raad-joogaan Xoogaggooda, wuxuuna carrabka ku dhuftay  in waqtiyada soo socda la kala ogaan doono cidda gacanta ku heyso degmooyinka Bay iyo Bakool.

“Qoladan daba-dhilifka u ah Itoobiyaanka meel ay ku sugan yihiin waxaa ka jirta magaalada Baydhabo oo iyadana aad ogtihiin in mar kasta ay mujaahidiinta ku weeraraan, marka waa waxba kama jiraan warkaas, waadna ogaan doontaan”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobo Abuu Mansuur.

Hadalladan is-burinaya ee ay sii daayeen Afhayeennada u kala hadlay Dowladda Federaalka iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo deegaanno ka tirsan Gobolka Bay ay maalmihii aynu ka soo gudubnay ku dagaallamayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogagga Al-Shabaab, iyadoo dagaalladaasna ay salka ku hayaan gacan ku heynta Degmooyinka Gobolka Bay oo  marka laga reebo Degmada Baydhabo ay horay ula wareegeen Xoogagga Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia