Khamiis, 23 October 2008 (HOL): Madaxda sare iyo Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somaliland ayaa socdaallo shaki ku gedaaman yahay ugu kala amba-baxay Gobollada Somaliland. iyada oo ay isa soo tarayaan Warar ku saabsan ujeedada socdaalladooda oo ka gedisan ka ay ku sheegeen in socdaalkoodu salka ku hayo.
Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay weheliyaan Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Waaberi Rooble iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda ayaa socdaal dheer oo ay ku soo mareen Deegaamo badan oo ka tirsan Gobollada Saaxil iyo Awdal ka dib hadda ku sugan Magaalada Borama ee Gobolka Awdal. Iyaga oo ay hore halkaa ugu sii sugnaayeen Wasiirada, Macdanta iyo Biyaha Qaasim Sh. Yuusuf, Xidhiidhka Golayaasha Cabdi Xasan Buuni iyo Warfaafinta Axmed X. Daahir.
Wasiirada Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Dib-u-dejinta Maxamed Cismaan, Madaxtooyada Nuux Amiin iyo masuuliyiin kale ayaa iyana socdaallo kala duwan ku soo maray Deegaamo badan oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex (Hargeisa). Halka Wasiirada Hawlaha Guud Siciid Sulub, Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, Wasiir-xigeenka Ganacsiga Cabdixaliim ay hadda ku sugan yihiin Gobolka Togdheer ee Magaalada Burco. Iyaga oo Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Deegaanka Maxamed Hugur Dirir iyo Wefti kale oo uu horkacayo Wasiiru-dawlaha Waxbarashada Maxamuud Garaad (Qow) ay ku sugan yihiin.
Deegaano kala duwan oo ka tirsan Gobolka Sool. Isla markaana Wefti kale oo uu ka mid yahay Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Cawil ay joogaan hadda Deegaano ka tirsan Buuhoodle. Si kastaba ha ahaatee, socdaalladan ay Xukuumadda Somaliland ku kala bixisay Gobollada Somaliland ayay ku macnaysay mid ay uga dan leedahay wacyi-gelin ballaadhan oo ay ku doonayso in ay Dadweynaha Deegaanadaas kaga dhaadhiciso ujeedada Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland ee sanadka foodda inagu soo haya ee 2009 la filayo in laga qabto Somaliland.
Hase yeeshee, warar isa soo taraya ayaa sheegaya in ujeedada socdaalladan Xukuumaddu ay ka gedisan tahay siday sheegeen, isla markaana waxay ku macneeyeen in uu yahay Olole Siyaasadeed oo ay Xukuumaddu ku faafinayso ajendaheeda Siyaasadeed. Guddoomiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay in Madaxweyne Rayaale arrintan uga dan leeyahay inuu taageero ugu helo Siyaasadda Xisbiga uu Guddoomiyaha ka yahay ee UDUB. Balse Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Siciid Caddaani Mooge ayaa lagu dedafeeyay eedaymahaas. Waxaanay ku tilmaameen socdaalladan mid Qaran oo looga dan leeyahay wacyigelinta dadka ee muhiimadda Diiwaangelinta.
Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland ayaa berri laga bilaabayaa Gobolkii labaad ee ay ka hirgasho oo ah Gobolka Awdal, iyada oo hore uga soo dhammaatay Gobolka Saaxil oo ahaa kii u horeeyay ee ay ka hirgasho oo sida ay Komishanka Doorashooyinku sheegeen ay iska diiwaangeliyeen dad ku dhaw 50-kun oo qof.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland