Ciidamo Faransiis ah oo Puntland ku wareejiyay 9 Nin oo Burcad Badeed ah

Cabirka Farta

Khamiis, October 23, 2008(HOL): Maamulka  Puntland ayaa Maanta lagu wareejiyay Sagaal Nin oo Burcad badeed ah, kuwaasi oo ay Maraakiibta dagaalka  France  ka soo qabteen xeebaha Gacanka cadmeed ee ku teedsan biyo-badeedka Puntland.

Burcadda ayaa waxaa keenay Dekadda magaalada Boosaaso dooni nooca dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada Badda ee Puntland, kuwaasi oo kala soo wareegay Burcada Markab Nooca dagaalka ah oo taagan Meel ka durugsan Xeebaha Gacanka cadmeed.

Taliyaha Ciidanka Poliska DGPL General Gaani Xaashi  oo ka Mid ah Masuuliyiintii Burcadda ugu tagtay dekadda ayaa sheegay in burcadda danbigooda lagu qaadi doono.


Burcadda la keenay ayaa 19 ku noqonaya kuwo horay uu Maamulka Puntland Gacanta ku soo dhigay kadib hawl gallo ay ka fuliyeen Xeebaha Puntland.

Dawladda France ayaa hadda ka hor Ciidamada Puntland ku wareejisyay maydka ruux Burcad Badeeda ah oo ay Ciidamada France ku dileen degmada Baar-gaal xili ay wadeen howlgallo ka dhan ah Burcad badeedka.

Maamulka Puntlandoo hadda ka hor ku soo guuleystay hawlgalkii lagu soo furtay Markabkii Shirkadda Barwaaqo ayaan la oOgayn tallaabada uu la tiigsan doono Burcadda uu gacanta ku hayo.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia