Talaado, 22 October 2008 (HOL): Wefti ka socday Hay’adaha UNHCR, IOM, Xuquuqda Aadamaha iyo Xafiiska Socdaalka ee Somaliland, oo maanta gaadhay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa kulan ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa Tahriibta Magaalada Laascaanood kula yeeshay Maamulka Gobolka Sool.
Shirkan oo ay ka qaybgaleen Guddoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed, Guddoomiyaha Degmada Laascaanood Canbaashe Aw-Daahir, Madaxda iyo Masuuliyiinta ka socday Hay’adaha UNHCR, IOM, Xafiiska Socdaalka Somaliland ayaa ujeedadiisu ahayd u kuur-gelidda xaqiiqda dhabta ee arrimaha Tahriibta. Guddoomiyayaasha Gobolka Sool iyo Degmada Laascaanood ayaa Weftigan siiyay Warbixin ku saabsan guud ahaan gobolka Sool, gaar ahaan Deegaanka Laascaanood. Waxaanay ugu baaqeen Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ahba inay tallaabo wax-qabad ah ka fuliyaan Deegaannadan. Isla markaana aanu waxqabadkoodu hadal oo kaliya ku salaysnaan ee ay la yimaadaan ficil wax-qabad.
Masuul u hadlay Hay’adda IOM ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay Maamulka Gobolka kala shaqaynayaan sidii dib-u-dejin loogu samayn lahaa dadka Danyarta ah ee Gobolka iyo Deegaamadaas, si looga hortego Tahriibta oo beryahan noqotay dariiqa kaliya ee ay ku baxaan dadku.
Toddobaadkii tegay ayay ahayd markii Wefti ka socda Hay’adda WFP ee cuntada Adduuku cunto-qaybin ka bilowday qaybo ka mid ah Gobollada bariga Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer. Weftigan WFP ayay weheliyaan Saraakiil ka tirsan Ururka HAVAYOCO ee xaruntiisu tahay Magaalada Hargeisa.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland