Arbaco, October 22, 2008(HOL): Kulan ballaaran oo ku yeesheen Magaalada Beledweyne Odayaal iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Xawaadle tan iyo wixii ka danbeeyay markiii horraantii bishan la dilay Alle ha u naxariisteen Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow, ayaa waxaa looga hadlay arimo la xiriira xaalada Nabad-galyo ee Gobalka Hiiraan.
Bayaan ugu danbeytii Odayaashu ay ka soo saareen kulanka oo la soo gaarsiiyay HOL ayaa loogu baaqay guud ahaan Beelaha ku dhaqan Gobalka Hiiraan in ay ka wada shaqeeyaan Nabad-galayda iyada oo la taageerayo Shareecada Islaamka oo ah tan kaliya ee lagu bad baadi karo.
Sidoo kale waxaa ay Odyaashu Bayaankooda kaga hadleen dilalka is daba jooga ah ee bilihii ugu danbeeyay ka dhacay qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan gaar ahaa dilkiii gudaha Magaalada loogu geystay Alle ha u naxariisteen Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Odayaasha dhaqan Gobalka Hiiraan.
Waxaa ay Odayaashu ku tilmaameen in dilalkaasi yihiin kuwo lagu wiiqayo Nabad-galyada guud ee Gobalka, iyagga oo codsaday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidii ka danbeysay falkii arxan darrada ahaa ee lagu dilay Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo kooxo hubeysan 7-bishan aynu ku jirno ku dileen bartamaha Magaalada Beledweyne.
Waxaa ay ugu baaqeen Gudoomiyaha Midowgga Maxkamadaha Gobalka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, Ugaasyada Beelaha Gobalka, iyo waliba Jaaliyaddaha Dibadda in ay gacan wax ku ool ah ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa falalka ka dhanka ah daganaashaha Gobalka, si markaana Bulshada looga saaro shakiga la xirira ku kalsoonaan la'aanta amaanka guud ee Gobalka.
Hay'adaha Samafalka iyo Jaaliyadaha Dibadda ayay Odayaashu ka codsadeen in ay sii wadaan kaalmada ay u fidinayaan Dadka dhibaateysan ee ku dhaqan Gobalka kuwaas oo Sanadihii u dambeeyay la daalaa dhacayay Abaaro, Colaado, iyo Sicir barar sameyn ku yeeshay nolashoodii caadiga aheyd.
Ugu danbeytii waxaa ay ugu baaqee Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed in ay u tanaasulaan Waalahooda Soomaaliyeed iyagga oo tixgalinaya dhibaatidii la soo maray 18 Sano ee la soo dhaafay.
Odayaasha Bayaanka soo saaray iyo Saxiixooda:
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia