NATO oo Maraakiib Dagaal u soo direysa Xeebaha Soomaaliya

Cabirka Farta

Jimco, October 10, 2008(HOL): Wadamada ku bahoobay Gaashaan-buurta NATO ayaa waxay shaaciyeen in ay Maraakiib Dagaal iyo Ciidamo u dirayaan Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo la dagaallami doona Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida.

Afhaeyeen u hadlay NATO oo lagu magacaabo James Appathurai ayaa wuxuu sheegay in Wasiirrada Gaashaandhigga Dalalka ku bahoobay Gaashaan-buurta NATO oo ku shiray Magaalada Budapest ee Dalka Hungary ay isku raaceen in ay Xeebaha Soomaaliya u diraan Maraakiib Dagaal iyo Ciidamo la dagaallama Kooxaha Burcad Badeedka ee Maraakiibta iyo Doomaha qafaasha.

Afhayeenkan u hadlay NATO waxaa uu intaas ku daray in Maraakiibtaas ay Xeebaha Soomaaliya u dirayaan Todobaadyo gudahood 7 Markab, “Maraakiibta aan u direyno Soomaaliya waxay qaban doonaan labo howlood oo kala ah inay ilaaliyaan Maraakiibta gargaarka wadda ee u kireysa WFP iyo in ay Xeebaha Soomaaliya kala dagaallamaan Kooxaha Burcad Badeedka”ayuu yiri James Appathurai, Afhayeenka Gaashaan-buurta NATO.

Mr. James Appathurai waxaa uu sheegay in go’aanka Wasiirrada Gaashaandhigga NATO uu yimid kadib codsi ka yimid Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon iyo Dalalka Midowga Yurub oo ku baaqay in tallaabo laga qaado Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya, sidoo kalena Maraakiib ilaalisa loo helo Maraakiibta u kireysan WFP ee Mucaawinooyinka geeya Soomaaliya.

“Haddii aan la helin maraakiib ilaalisa Maraakiibta WFP waxaa khatar geli doonta nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku tiirsan Raashinka ay bixiso Hay’adda Cuntada Adduunka ee dhinaca ku yimaada, sababtaas darteedna ayayna NATO u go’aansatay in ay Ciidamo iyo Maraakiib u dirto Xeebaha Soomaaliya”ayuu yiri James Appathurai.

Go’aanka ka soo baxay NATO ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Kooxo burcad Badeed ah ay Xeebaha Soomaaliya ku heystaan dhowr Markab, kuwaasi oo uu ku jiro Markab laga leeyahay Dalka Ukraine oo wada Taangiyo iyo Qalab Mileteri oo kale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia